Fadeexado Dul-hoganaya Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe Iyo 24 Saacadood Gudahood oo iska soo daba-saaray Qoraalo Iska soo Horjeeda, Tacadina kula kacay Haweenay kamid ah Shaqaalaha dawlada...

0
Sunday May 10, 2020 - 16:52:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexado Dul-hoganaya Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe Iyo 24 Saacadood Gudahood oo iska soo daba-saaray Qoraalo Iska soo Horjeeda, Tacadina kula kacay Haweenay kamid ah Shaqaalaha dawlada...

    Fadeexado Dul-hoganaya Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe Iyo 24 Saacadood Gudahood oo iska soo daba-saaray Qoraalo Iska soo Horjeeda, Tacadina kula kacay Haweenay kamid ah Shaqaalaha dawlada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado Dul-hoganaya Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe Iyo 24 Saacadood Gudahood oo iska soo daba-saaray Qoraalo Iska soo Horjeeda, Tacadina kula kacay Haweenay kamid ah Shaqaalaha dawlada...
Hargeysa(Xogreebnews)-Fadeexado Maamul, ayaa dul-hoganaya Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo sadex maalmoodo isku xiga soo kala Saaray sadex qoraalo tahriibin ah, isla markaana iska soo horjeeda, kuwasoo Ceeb ku ah dhaqanka dawladnimo iyo xilka uu huwan yahay.
Qoraalada iska soo daba-dhacaayey ee kasoo burqanaya Gacanta Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe waxa ay yihiin kuwo shaqada lagaga Caydhinaayey Gabadh kamid ah Shaqaalaha dawlada.
Cabashaas oo ay dhibsadeen Masuuliyiinta kamida ah Xukuumada, waxay taasina sababtay in Masuuliyiintii ay ka cabatay Amar soo siiyeen Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe, isna uu amarkii si toosa oo bilaa hubsiimo ah u fuliyey, isagoo aanay u muuqan gar-qaad, balse qaatay amarkii la siiyey oo keliya.
Hadaba dhacdada mucjisada ah ee ugubka ku ah Haayada Shaqaalaha iyo nidaamka dawladnimo, ayaa ah in Gudoomiyaha Haayada Shaqaaluhu 9 bishan fariin SMS ah u diray, Hani W Sulub, isla markaana ku yidhi waxaan kaa Saaray Liiska Shaqaalaha dawlada, fariintaa markii ay heshay Hani, waxay kusoo bandhigtay Facebook, iyadoo mar kale tirsanaysaa tacadi iyo cadaalad darro.
Waxa'se fadeexad kale ah, markii uu saacado gudahood hadana qoraal kale kusoo Saaray Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe, isagoo Beeninaya fariintii uu Mobelkiisa gacanta uga diray Hani, waxanu qoraalkiisa beeninta ah ku sheegay in aanay Haayada Shaqaaluhuu fariintaa baraha Bulshada la wareejinayo kasoo bixin oo ay Been tahay, isla markaana aanay Haayada Shaqaaluhuu nidaamka Fariimaha SMSka aanay isticmaalin, isagoo beeninaya qoraalkii Telefoon Nomberkiisu diray.
Intaa kuma joogin Gudoomiyaha Farxaan Aadan Haybe, balse waxa uu hadana qoray Warqad uu shaqada kaga eryaayo oo xambaarsan nuxurada qoraaladii uu beeniyey,waxana loo geeyey Haweenaydii bugtay, iyadoo iyana mar Sadexaad baahisay warqadii, Bulshada usoo bandhigtay Fadeexadaha maamul iyo aqoon darro ee dul-hoganaya Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha.
Iyadoo Shabakada Xogreebnews idin soo bandhigi doontaa sadexda qoraal ee Gudoomiye Farxan iska soo daba Saaray 24 saacadood gudahood iyo qoraalka Hani waxaynu waydiinaynaa Gudoomiyaha, Su'aalahan Gudoomiyaha ma gacmo kale ayaa wax kula maamula oo xafiiskaaga uma madax-banaanid mise aqoonta maamul ayaanad fahamsanayn. 
Halkan hoose kaga Bogo Qoraalka Hani W. Sulub iyo nuqulo kamid ah qoraalada Gudoomiye Farxan Aadan Haybe.
"Sidii aad la wada socoteen Farxaan haybe wuxuu shalay bartiisa facebook ku sheegay inaanay isaga iyo hay'ada shaqaalahaba ka iman fariintii mobileka la iigu soo diray ee aan idinla wadaagey. 
Dad badan baa ku jaah wareeray kaayaga run sheegaya.
Saaka ayaa warqadan la keenay wasaaradii aan ka tirsanaa, sida ka muuqatana warqada waxa la qoray shalay 09/05/2020. 
Waxay muujinaysaa kalsooni darada, masuuliyad darada, iyo sharci darada taala Hay'ada shaqaalaha iyo in farxaan aadan haybe yahay nin qalinkiisu gacmo kale ku jiro wixii la farona si degdeg ah u fuliya. 
Hinda gaani  waqti ku lumin maayo, deegaankeedii baa quus ka taagan oo sheegay in beryahaaba waxara baadi ah jaqayeen.
Ramadan kariim".
La soco qaybaha dambe iyo Taxane aynu kusoo bandhigayno Fadeexadaha iyo aqoondarada maamul ee Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured