Ha la Barooran Dambiilaha si aad Ula oydo Cidda Dulman ee Hiilka u Baahan. Faalo: Suxufi Maxamed Cirro

0
Monday May 11, 2020 - 23:12:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha la Barooran Dambiilaha si aad Ula oydo Cidda Dulman ee Hiilka u Baahan. Faalo: Suxufi Maxamed Cirro

    Ha la Barooran Dambiilaha si aad Ula oydo Cidda Dulman ee Hiilka u Baahan. Faalo: Suxufi Maxamed Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ha la Barooran Dambiilaha si aad Ula oydo Cidda Dulman ee Hiilka u Baahan. Faalo: Suxufi Maxamed Cirro

Beryahan dambe waxa saxaafadda iyo baraha bulshada (social media) aad ugu soo batay dadka caadaysta inay si caaddifadaysan ula baroortaan qof dambiile ah ama cidda lagu helay fal-dambiyeed ka dhashay gef ay ku kaceen, waxaanna muhiim ah ama waajib ah in qaybaha kala duwan ee bulshadu ay mar walba u hiiliyaan qofka lagu sameeyo waxyaabo xaq-darro ah ama dulmi kaga yimaadda dhinaca dowladda, bulshada rayidka ah iyo shirkadaha kale, iyadoo farta lagu wada fiiqayo cidda dulmiga samaynaysa, balse waxa hiilkaas la samayn karaa marka la hubsado xaajada la isku qabtay, lana kala hubsado cidda labada dhinac khaldan.

Xiligan waxa adduunka oo dhan ka jira xaalado adag oo la xidhiidha xannuunkan halista ah ee Covid-19, kaasoo asiibay in ka badan afar milyan iyo laba boqol oo kun oo qof (4,230,282) caalamka oo dhan, halka ay xannuunkaas u dhinteen in ku dhaw saddex boqol oo kun oo qof (285,460), waxa kaloo fayraskani saameeyey dhamaanba qaab-nololeedkii caadiga ahaa ee bulshada, sida isu-socodkii bulshada, ganacsiga iyo qaybo badan oo ah xuquuqaha aasaasiga ah ee qofka bani’aadamka ah leeyahay.


Inta badan dalalka Adduunku, waxay soo rogeen ama soo saareen go’aanno dowladeed oo ka soo baxay waaxda fulinta (Xukuumadaha) oo lagu laalay xuquuqo badan oo ay dadkooda muwaadiniinta ah lahaayeen, sida xuquuqaha dhaqdhaqaaqa, shirarka, kulannada caadiga ah, ganacsiga iyo xuquuqo kale oo badan, waxaanna tallaabooyinkaas loo qaaday si loo ilaaliyo xuquuqaha caafimaadka qofka iyo in la ilaaliyo nolosha qofka ama bulshada kale, go’aannadaas dowliga ah waxay si ku-meel-gaadh ah meesha uga saareen shuruucda iyo xeerarkii baarlamannadu ansixiyeen ee khuseeyey xuquuqaha dadka bani’aadamka ah, sababtoo ah ma jiraan fadhiyo ay leeyihiin baarlamaannada dalalka Adduunku, gaar ahaan dalalka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika oo ah meelaha loo daba fadhiisto ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah iyo ku-dhaqanka shuruucda.
Go’aannadaasi ama wareegtooyinkaas ka soo baxay waaxda Fulinta (executive orders), waa go’aanno loogu dhaqmayo sida shuruucda caadiga ah oo kale, waxaanna ku cad waxyaabaha laga mamnuucay dadka muwaadiniinta ah iyo ciqaabaha ka dhalan kara cidda jabisa awaamiirta lagu xakammaynayo faafitaanka Covid-19, tusaale ahaan, dalka Talyaaniga waxa amarku dhigayaa in qofka ku xad-gudba hakinta lagu sameeyey xuquuqaha dhaqdhaqaaqa muwaadiniintooda ee la arko isagoo bannaanka socda in lagu ganaaxo lacag ah $430 ilaa $3,227 doollar ama ugu yaraan saddex bilood oo jeelka lagu dhigayo, dalka Faransiiska waa lacag (€135 to €3,700) ama xadhig lix bilood ah, xukunnadaas waxa loo cuskaday go’aanno Xukuumadeed oo aannu baarlaman sharciyeyn, wax racfaan ahna ma laha.
Haddaba, Dowladda Somaliland waxay ka mid tahay dalalka soo saaray go’aannada lagula dagaalamayo ama lagu xakammaynayo faafitaanka Covid-19, inkastoo aanay Somaliland dalalka Caalamka kala mid ahayn go’aannada ah in dadweynuhu guryaha ku xeroodaan (locks down), duruufo inoo gaar ah awgeed, balse waxa la soo saaray go’aanno kale oo si ku-meel-gaadh ah loogu joojiyey waxbarashada aasaasiga ah, ganacsiga qaadka, shirarkii joogtada ah ee dowliga ahaa ama kuwii bulshadu qabsan jirtay, waxaanna Hay’adaha la fasaxay ku jira Golayaasha Baarlamanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), sidaa darteed go’aannadaas dowladdu soo saartay maaha qaar baarlamku sharciyeeyey ee waa qaar ka soo baxay awoodda Fulinta oo qudha, waxayna go’aannadaasi wataan awaamiir dadka la faray iyo ciqaabaha ka dhalan kara cidda amarka u hoggaansami wayda.
Waxa jira dad jabiyey amarkii ahaa in qaadka la joojiyo, waxaanna lagu fuliyey ciqaabtii ku qeexnayd go’aanka qaadka lagu joojiyey, iyadoo cidda lagu qabtay qaad ay ka soo tallaabinayaan xuduudaha Somaliland, soona gelinaya magaalooyinka dalka la go’aamiyey in qaadka laga gubo, dadkii lagu qabtayna la xukumo, halka gaadiidkii ay wateena lala wareegay, kadib markii ay sidaas go’aamisay Maxkamadda awoodda u leh, qaybo ka mid ah gaadiidkaas waxa lagu wareejiyey Ciidanka Booliska Somaliland oo soo bandhigay gaadiidkii oo la dhalan-rogay, laguna sameeyey dhammaanta astaamana lagu yaqaan gaadiidka booliska, lagana tirtiray astaamihii rayidka, tallaabadaasna waxa aan u arkaa mid sax ah oo loo baahan yahay, maadaama ay dadka gaadiidkaas watay marka horeba ogaayeen in lala wareegi doono haddii lagu qabto qaadka koontarabaanka ah.
Haddaba, waxa jira dad baraha bulshada ku soo qoraya faalooyin ay arrintaas ku cambaaraynaan, hiilka u muujinaya dadka lahaa gaadiidka dowladdu la wareegtay, iyadoo la wada ogyahay in shaqsiyaadkaasi ay jabiyeen go’aan ay isla wada qaateen dadweynaha reer Somaliland iyo Dowladda inoo talisa, waxayna ahayd in qofka damiirka lihi uu runta ka sheego cidda leh khaladka ee ay tahay in la mariyo ciqaabta uu mudan yahay, laakiin haddii aad qofka dambiilaha ah la baroorato, berrito la ooyi kari maysid qofka dulmahana ah ee hiilka u baahan sababtoo, bulshadu waxay ku aragtay adiga oo u hiilinaya cid dambi gashay.
Waxa kaloo aan Guddida Heer Qaran iyo Dowladdaba kula talinayaa inay go’aannadaas dib u cusboonaysiiyaan, kuna daraan in tallaabo adag laga qaado dadka qaadka ku dhex iibiya gudaha magaalooyinka dalka iyo cidda lagu qabto iyadoo qaad cunaysa ama sidata, maadaama uu xannuunku hadda si xooggan ugu sii faafayo bulshada dhexdheeda, waxaanan ku talin lahaa in la soo saaro wareegto ah in qofka lagu qabto qaad uu cunayo lagu soo rogo lacag ganaax ah ama la mariyo ciqaab xadhig ah, halka cidda la arko iyadoo haysata kolayo qaad lagu iibinayo la marsiiyo ciqaab taas ka adag.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured