Brazil Oo Barbaro Ku Qabatay Russia Ciyaar Saaxiibtinimo Oo Ka Dhacday Stamford Bridge.

0
Tuesday March 26, 2013 - 12:30:05 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brazil Oo Barbaro Ku Qabatay Russia Ciyaar Saaxiibtinimo Oo Ka Dhacday Stamford Bridge.

    Fred ayaa gooldhaliyay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta iyadoo Brazil ay ka beenisay Russia guushoodii ugu horeysay ee ay ka gaaraan xulka 5ta jeer ku guuleystay koobka adduunka, iyadoo ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Stamford Bridge ay ku dhamaat

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fred ayaa gooldhaliyay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta iyadoo Brazil ay ka beenisay Russia guushoodii ugu horeysay ee ay ka gaaraan xulka 5ta jeer ku guuleystay koobka adduunka, iyadoo ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Stamford Bridge ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.
Viktor Faitzulin ayaa hogaanka u dhiibay xulka tababare Fabio Capello daqiiqadii 73aad ee ciyaarta ka dib markii David Luiz iyo Fernando ay block-gareeyeen fursado ay heleen Alexander Kerzhakov iyo Roman Shirokov.

Russia ayaana u muuqatay in guusha ay dhinacooda tahay laakiin dadaalkoodii waxaa dhamaadkii ciyaarta beeniyay Fred kaasoo dhaliyay goolkii afaraad ee afar kulan uu u saftay wadankiisa ka dib markii Hulk oo bedel ku soo galay uu kubad ku quudiyay Marcelona kaasoo isna u sii dhigay Fred.



Barbaro ayaana ahaa natiijo sax aheyd oo ka soo baxday ciyaartii saaxiibtinimo ee ka dhacday London iyadoo Fabio Capello uusan wax guuldarro ah dhadaminin tan iyo intii uu macalin u noqday Russia.

Brazil ayaana iyadana walaac qabta dhankeeda madaama aysan badinin shantii kulan ee uu macalin u ahaa Felipe Scolari oo bilaabaya doorkiisii labaad ee uu ku hogaamiyo Samba Boys


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured