"Mudane Madaxweyne; Talooyinka WAHAABIYIINTA Sidooda Ha U Wada Qaadane Bal Iska Shaandhee".Abwaan Weedhsame..

0
Wednesday May 13, 2020 - 14:39:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mudane Madaxweyne; Talooyinka WAHAABIYIINTA Sidooda Ha U Wada Qaadane Bal Iska Shaandhee".Abwaan Weedhsame..

    "Mudane Madaxweyne; Talooyinka WAHAABIYIINTA Sidooda Ha U Wada Qaadane Bal Iska Shaandhee".Abwaan Weedhsame..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mudane Madaxweyne; Talooyinka WAHAABIYIINTA Sidooda Ha U Wada Qaadane Bal Iska Shaandhee".Abwaan Weedhsame..

HARGAYSA(Xogreebnews)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil "Weedhsame” Oo kamid ah hal abuurka dalka ayaa ka hadlay gaadiid dad shacab ahi leeyihiin oo ciidamada booliska Somaliland la wareegeen kuna buufisteen Astaantooda kadib markii Gaadiidkan laga qabtay iyagoo dalka qaad soo galinaya walina Aanay uwada dhamaan jaran jarooyinkii maxkamaduhu islamarkaana aanu jirin xeer Somaliland yaala oo dhigaya in qof shacab ah lala wareego Hantidiisa,

 

Abwaan weedhsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gaadhiga khamri lagu Soo qabtola ganaaxo halka gadiidkii lagu  lagu soo  qab qabtayna ay xukuumadu la wareegtay.

Sidoo kale Abwaan weedhsame ayaa soo bandhigay waxa ay ka qabaan xeerarka dalka uyaal sharciyan la wareegida gaadiidka shacabka.

dhanka kale abwaan weedhsame ayaa madaxwayne biixi usoo jeediyay in aanu wada qaadanin talooyinka  ay usoo jeediyaan culimada wahaabiyadu balse uu iska hubsado.

Abwaan Xasan Daahir ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

 

Qaadka 10 cisho ka dib la fasaxi doono, baabuurtii lagu qabtay iyagoo soo gelinaya Ciidanka bilayska ayaa la wareegay, dirayskii bilayskana waa lagu buufiyey!!!

khamrigase gaadhiga lagu qabto isagoo soo gelinaya, waxa lagu ganaaxayaa 5% qiimaha gaadhiga. Mar labaad haddii lagu qabto waxa lagu ganaaxayaa 10% qiimaha gaadhiga ah, mar saddexaadkana waa lala wareegayaa.

Laakiin ka qaadka keena muddadaas 25 cisho ah, marka koowaadba waa lala wareegayaa.

Waa iga su’aale,

xillimuu khamrigu ka dembi yaraaday qaadka?

Anigu waan ka soo hor-jeedaa in qof muslim xoolihiisa xoog lagaga qaato, iyadoo lagu salaynayo dembi uu sameeyey, haddii aanu qofkaasi cid kale xoolo ka dhicin oo aan mag-dhaw ahaan looga qaadayn.

Mudane Madaxweyne, talooyinka WAHAABIYIINTA sidooda ha u wada qaadane bal iska shaandhee.

QALINKII; Abwaan xasan daahir ismaaciil Weedhsame

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured