Muxuu Farxaan Aadan Haybe U Fulin Waayay Sharcigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay Ee Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta?. 2aad.

0
Thursday May 14, 2020 - 09:01:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Farxaan Aadan Haybe U Fulin Waayay Sharcigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay Ee Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta?. 2aad.

    Muxuu Farxaan Aadan Haybe U Fulin Waayay Sharcigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay Ee Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta?. 2aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Farxaan Aadan Haybe U Fulin Waayay Sharcigii Uu Madaxweyne Muuse Biixi Saxeexay Ee Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta?. 2aad.

Hargeysa(Xogreebnews)-Tan iyo 1993kii markii la dhisay haayadda shaqaalaha ayay Amaal ahayd madaxa xisaabaadka ee Haayadda Shaqaalaha Dawladda. Mar waxa jirtay qoryo lala soo galo haayadda oo qasab looga doono shaqaalayn. Beri dhawayd ayaa waaxda la dhisay maamulka iyo xisaabaadka.

Markii uu soo baxay amarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee isku-shaandhaynta lagu samanaynayo madaxda maamulka iyo lacagta ee haayadaha iyo wasaaradaha dawladdu, waxa kormeer loo diray hawl-wadeenka haayadaha shaqaalaha dawladda. Waxa la arkay dad aan baran xisaabaha oo madax ka ah laamahaas, iskana xoraystay. Waa la soo wada dhaweeyay goaanka, waxaanay shaqaalaha haayadda shaqaalaha dawladdu sugayeen inay noqdaan kuwa kowaad ee goaankaas lagu fuliyo.


Nasiib-darro waxa uu Farxaan Aadan Haybe sameeyay isku-shaandhayn door ah oo uu ku sameeyay meelo ay ka mid yihiin wasaaradaha beeraha, arrimaha gudaha, haayadda maamul-wanaagga iyo xarumo kale. Marka ay maraysay haayaddiisa ayuu qalinku qaban waayay agaasimihii maamulka iyo maaliyadda. Waxa ayaandarro ah in aanu Farxaan Aadan Haybe weli fulin wareegtadii uu saxeexay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ee xafiiskiiskiisa ku socotay.
Qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa is urursaday oo yidhi "waa sidee?”. Waxa uu Farxaan Aadan Haybe yidhi "Waxa dhiman agaasimaheenna maamulka iyo lacagta iyo agaasimaha haayadda qaxoontiga barekacayaasha qaranka, waxaanay gabadhaas kale heshiis ama qandaraas kula jirtaa haayad. Waxa uu ka dhammaanayaa Feb 2020ka, markaas ayaa la isku beddeli”. Ma qof ah shaqaale dawladeed  ah ayaa qandaraas haayad madax bannaan la gala haayad caalami ah, waxa gala masuulka dawladda?
Dhawrkii qof ee ololaha ka dhex muuqday waxa mid walba bartiisa ku toogatay oo banjarisay agaasimaha awoodda badan ee maamulka iyo lacagta Amaal Cabdiraxmaan Axmed. Waxa jira rag badn oo aan soo dhaafin maqaaxiyaha laga shaaheeyo oo buulka la dhigay ama cirka loo calaamadiyay.
Mudada ay haysatay waa 1993-2020 (26 sanadood). Waxa ay isku maammushaa, Maaliyadda, procurement, shaqaale-hoosaadka, gaadiidka, iyo maamulka) intaas midna waa la waayay oo loogu taag waayay inay dhaadhiciso maamulka. Haayadda shaqaalaha dawladdu waa albaabka ay si sax ah ama si qalad dadku uga soo galaan shaqaalennimada dawladda. Haddii albaabkii laga soo gelayay, ee laga baxayay uu noocaas yahay, isla markaasna la daawanayo, maxaad ka fili meelaha kale?
La soco qaybaha kale iyo Xogreebnews



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured