Qaybta 7aad: Qormooyinkii Taxanaha Taariikhda Madaxwayne Mustafe Cagjar. Hebel Diidnimadayda Halkeeban Ka Wadaa?

0
Sunday May 17, 2020 - 23:07:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybta 7aad: Qormooyinkii Taxanaha Taariikhda Madaxwayne Mustafe Cagjar. Hebel Diidnimadayda Halkeeban Ka Wadaa?

    Qaybta 7aad: Qormooyinkii Taxanaha Taariikhda Madaxwayne Mustafe Cagjar. Hebel Diidnimadayda Halkeeban Ka Wadaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 7aad: Qormooyinkii Taxanaha Taariikhda Madaxwayne Mustafe Cagjar. Hebel Diidnimadayda Halkeeban Ka Wadaa?
Is ilaali daas oo miidhan iyo iyadoo meeshii ka sii darayso ayaan arkay. Markaa waxaan is idhi waxaa laga yaaba waa sanad ama laba inta meeshani wareer ku jiraysee, adiguna waad ogtahay oo aamusi mayside, iskaga tago. Rag aan saaxiibo nahay ayaan ku idhi war Addis Ababa wax shaqo ah hadaad aragtaan ii soo sheegaa meeshan dadka in la laayo ayaa la raba oo wixii ka jiri jiray degmooyinka (ee awal Jigjig aan ka ladnayn) ayaa soo socda. 


Nin noloshayda qayb wayn ku leh oo la yidhaa Sulieman Sheikh Mohamed oo Somali-Kenyan ah (ilaa hadana aan saaxiibo nahay), oo ahaa ninkii shaqadii ugu horeeysay ee Save the Children i siiyay, markii danbana booskan aan markaa ka shaqeeyo ee Project Manager ka isagu ka tagay ee aniga igu wareejiyay (Addis Ababa ayuu isagu u guuray), ayaan malin danbe Addis Ababa ku wada qaddeeynay. Gurigiigiisa ayaan ku dagi jiray markaan Addis tago. Arintii baan ugu sheegay; wuxuu igu yidhi "xili fiican ayaad iisheegtay. Shalay shir UN ta oo aan tagay, hebel baa igu yidhi qof Soomali ah oo fiican hadaad garanyasid, u soo sheeg qof nooga wakil noqda gobolka Soomaalida oo laakin Addis Ababa xafiiska ah fadhiyaya ayaan u baahanaye”. 

Ogeeysiiskii shaqada ayuu wax yar kadib ii soo diray. Waan apply gareeyay. Dad badan oo Soomali ah imtixaanka maba galin; waxay u badnaayeen Xabashi ilaa 20 ah. Af Soomalina waa loo baahna; waxaan umaleeyn hal mise laba qof unbaa Soomaali ahaa kuwa imtixaanka laga qaaday hadaana ilaawin”. Sidii ayaan imtixaankii iyo interview gii ku maray. 9 mise 11 bilood kaliya ayaan Save the Children u shaqeeyay markaa danbe; waxaanna June 2005 shaqo la bilaabay Xafiiska UN ta u qaabilsan isku dubarridka gargaarka binuaadamka ee Addis Ababa. Waxaa la ii qaatay Humanitarian Affairs Officer musharkuna wuxuu ahaa 12,000 Birr bishi. Waagaas dalku sunni buu ahaaye sida hada la sheegayo hadii Aabo Cabdi joogi lahaa oo uu haweenka 4 ka badan baan baneeyay odhan lahaa, mushaharkaasi 12 islaamood buu ii masaarifi lahaa.
 
Markaa Cabdi Iley wali waxba kama aha deegaanka; oo saaxiibaday oo la taliyaal u ah Madaxweynihii markaa la keenay ee Cabdullahi Xassan (Lugbuur) ayaa caydh-caydhsada oo Ina Iley naftii u keenay. Isgaa gacan ku gabbad ahaa. Anigana meel aan taagan ahayn ma soo istaagi karayn oo Madaxweynaha saaxiib hore ayaan ahayn. Markaan ardayga ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Cabdullahi Xassan wuxuu tifatire ka ahaa wargays dawladda Itoobiya leedahay oo la yidhaa "Al-Caalam” oo Af-Carabi ku soo bixi jiray. Xafiiskoodu wuxuu ku yaalay mad’bacadda Birhanena-Salem ee xaafada 4 kilo.

Aniguna arday waxaan ka ahaa 6 kilo oo aan ka fogeeyn. Markaa aniga iyo wiilashii kale ee aan Jaamacada wada dhigan jirnay sida Mustafe Abdi Hassan ayaa odhan jirnay ina wadiya adeerkeen soo eegnee oo intaan ka soo lugeeyno Jaamacadda ayan Abdullahi Hassan u iman jirnay 4 kilo; deedna kaafteeriya intuu na geeyo ayuu shaaha naga bixin jiray. Nin dadkiisa aad u jecel oo naxariis badan oo dhaqankii hore ee Soomalidda haysta ayuu ahaa.
 
Markuu Madaxweynaha noqday waxay aheyd baan u maleeyn wax yar kadib markii anigu aan Jigjig ka badashay. 2005 kii dhexdiisa maalin baan Xafiiska ugu tagay isagoo markaa uun la wareegay. Si fiicn ayuu ii soo dhaweeyay inkastoo nin mashquulsan ahaa; naagtii xogeeynta u aheyd ayuu ku yidhi ninkan haduu xafiiska yimaado mar kasta ii soo daa. 

Markii labaad ee aan arki doono waxa ahayd laba sano kadib iyo Addis Ababa oo xafiiskaan ka shaqeeyo ninkii haystay igu yidhi ii raac aan kala soo hadlo sidii xafiisyo WFP iyo hay’adaha UNta looga furi lahaa Dhagaxbuur, Qabridahare iyo Wardheer. Kaligii ayuu gurigiisii safaaradda Ingriiska u dhawaa joogay. Nin dansan oo dhabanadda haysta oo indho uun ku eegaya ah ayaan u tagay maalinkaa. Muxuu iigu jawaabay? Dalkii ayuu hadda joogaa oo wakhti kalaan la sugi. Nin ayaan kala dardarrmay anigu aan ku idhi ninkaa dadka ka qabo. 

Cabdi Iley ma aheyn. Cabdi Iley ninkii keenay weeye. Cabdi Iley waligeey iguma soo dhicin Madaxweyne ayuu noqon. Isagoo ah ayaan ilaa 2012 u haystay riwaayad oo aana waligay ka hadlin. Waa sababta aan 2008-20012 maqaalo Meles Zenawi iyo Ethiopian uun weerara u qori jiray. Mar danbe oo aan arkay in ninkii bulshadii saameeyay ayaan Facebook soo galay oo aan af soomaali bilaabay si aan bulshada u wacyi galiyo. 

Maxaa dhacay labadaa sano ee u dhaxeeyay badhtamihii 2005 ilaa badhtamihii 2007? Weerarkii Coballe mooye? Aniga iyo Cabdi Iley oo labadaa sano gudahood awood aan caadi ahayn helay, maxaa na dhex maray? Iyaguna waa sheeko dheer, laakin guud ahaan waa in dadkii si xun loo gumaaday; dawladii dhexe lacag ciida ka badan galisay dalka si dilka shacabka loogu qariyo "horumar”. Cabdi Iley oo masaajidka wayn hortiisa isagoo gaadhi qabaal ah wata anigoo gaadhi yar wata i joojiyay oo yidhi soo dago. Isaga qabaalka waday; waxaa la saarnaa oday la yidhaa Canab. 

Wuxuu igu yidhi "war Mustafe nin yahow isku reer Dhagaxbuurna waan nahay; adigoo kale iyana waa ragaan u baahan nahay inay ila taliyaan. Talfoonkaygan qoro oo ila shaqee.” 

Intuuna sidaa odhan waxaa ka horeeysay "War Mustafe, nin yahow maad afuufka dawladda ka daysid”. Anigoo yar cabsanaya (inkasta oo aan markaa UNta u shaqeeyn jiray oo aan aaminsanaa laguma xidhi karo), hadana waxay aheyd maalmuhuu dadka garaaci jiray.
 
"war ma waxaad iga daba socotaa shaqadii” ayaan ku idhi.
Intuu odeydii Canab ahaa eegay sidii wax ila maragsanaya ayuu yidhi "war bal ninkan eega. Wax shaqadaas maxaa ka macna ah? Sowkan aan tu ka weyn helay. Waxaasi ma wax micno lehbaa? Anigu habeen walba 10 Ogaadeen ah baan gawraacaa!!! Yaa is waydiiya? Maxaa ka macnaa shaqo yar oo xun qof kaa eryay?”

Aidguu yaa kugu yidhi wax buu afuufa ayaan ku idhi anigoo markaa yar baqanaya?
 
Soow hadda maadan London kai man ayuu igu yidhi? Haa, ayaan idhi. Dee London soowdigii naga afuufay soow meel walba dad kuma lihin!

Markuu dhaqaaqayay weeye markuu talafoonka i siiyay. Gaadhigii yaraa ee aan watay (oo bilo kadib uu qaadan doono), ayaan iska galay warqadii talafoonkiisu ku qornaana god laamida dhinaceeda ku yaalay ayaan ku tuuray. Addis Ababa oo aan markaa ka shaqeeyo ayaan iska tagay. Deedna tii aan dalka uga soo baxay baa dhacday!
DHAMAAD...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured