"Waxaan Halkan Hambalyo Uga Dirayaa Umadda Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaan, Maanta oo kale, waxaanu samayn jirnay Deked ahaan Dhoolatus aad u weyn".Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

0
Monday May 18, 2020 - 01:09:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Halkan Hambalyo Uga Dirayaa Umadda Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaan, Maanta oo kale, waxaanu samayn jirnay Deked ahaan Dhoolatus aad u weyn".Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

    "Waxaan Halkan Hambalyo Uga Dirayaa Umadda Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaan, Maanta oo kale, waxaanu samayn jirnay Deked ahaan Dhoolatus aad u weyn".Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Halkan Hambalyo Uga Dirayaa Umadda Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaan, Maanta oo kale, waxaanu samayn jirnay Deked ahaan Dhoolatus aad u weyn".Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Hambalyo u diray Shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, Ciidamada Qaranka ee kala duwan iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada dalka oo u ku Hambalyey xuska maalinta qaran ee 18ka May.
Maareeyaha oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi, "Maanta oo ay ku beegan tahay 18-ka may 2020-ka, Waa sanaad guuradii 29aad ee dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland. Waxaan Halkan Hambalyo uga dirayaa umadda Somaliland gudo iyo dibadba meel kastoo ay joogaan, gaar ahaan shaqaale-weynaha Dekedaha, gaar ahaana Dekeda Berbera oo aan u dirayo Hambalyo sanaad guurada 29aad ee qaranimada 'Somaliland'.
Maanta oo kale, waxaanu samayn jirnay  Deked ahaan dhoolatus aad u weyn, Gobolka Saaxil gaar ahaan degmada Berbera, waxaan ugu bushaaraynayaa umada Somaliland sanaadkaa, sanaadkiisa inuu inaggu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
Waxaan qofkastaa oo reer Somaliland ah ku boggaadinayaa inuu Gurigiisa ku dabaal-dego, isla markaana xuska qaranimada ku weyneeyo baraha Bulshadu ku kulanto, inagoon isku soo baxayn. Sidoo kale waxan Halkan uga faaidaysanaya inan Bulshada ku bararujino, xanuunka CORONAVIRS-ka oo mudooyinkii dambe intii u yimi mishinka lagu baadho Somaliland, tirada dadka uu Asiibay kor u kacaysay, waxaan u sheegayaa dadweynaha Somaliland, inuu Xanuunkani yahay xanuun caadiya, waxaan ogaaday in dadku ka xishaanayaan inay qirtaan inuu haleelay Xanuunkaasi Coronavirus baa igu dhacay.
Haddaba dadweynaha qarsanaya Xanuunka waxaan u sheegayaa Coronavirus inuu yahay Duri weerara Sanbabada qofka, ee aanu ahayn HIV iyo wax lamida. Sidaas daraadeed hadii aanad isbaadhin waxaad Xanuunka u gaynaysaa ehelkaga iyo Bulshada, waalidka caruurtaada iyo xaasaskaagaba. Waxaan goobaha caafimaad ee dalka ugu baaqayaa in qofka xumadi hayso u gudbiyaan ama kula taliyaan inuu tago goobta loogu talo galay"  ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured