Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda: Rag Badan Oo Aabbahaa Ka Mid Yahay Ayaa Caddaalad-darro Dalka Uga Tegay!. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Friday May 22, 2020 - 16:01:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda: Rag Badan Oo Aabbahaa Ka Mid Yahay Ayaa Caddaalad-darro Dalka Uga Tegay!. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda: Rag Badan Oo Aabbahaa Ka Mid Yahay Ayaa Caddaalad-darro Dalka Uga Tegay!. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda: Rag Badan Oo Aabbahaa Ka Mid Yahay Ayaa Caddaalad-darro Dalka Uga Tegay!. W/Q. Siciid Maxamuud Gahayr.
Sawirku waa gole ka tirsanaa wasiirrada Soomaaliya oo ku jiray Sheekh Xasan Ismaaciil Bile IHUN oo aabbe u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Md Cabdiraxmaan Sheekh  Xasan Ismaaciil (Musaabaqo). Agaasimaha Guud waxa uu si shakhsiyaddisa u difaacay tabasho laga muujiyay xukuumadda uu ka tirsan yahay, sidaas awgeed ayaan aniguna maanta si shakhsi ah ula hadlayaa… In muraayadda maanta u muujisay sinnaantu aanay ahayn mid sax ah ee ay soo taxnayd illaa 1997kii iyo 2001dii ayaan u soo qaadanayaa.
Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Raiisal-wasaarihii Soomaaliya ee Cali Maxamed Geeddi waxa uu ahaa Marxuun Sheekh Xasan Ismaaciil Bile (Aw Xasan Dayaano) oo aabbe u ah Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somailand. Sheekhu wax uu geeriyooday isaga oo xilkaas haya xilli aan 2008dii ku qiyaasayo Eebbe ha u naxariisto.


Mar aan isku deyay in aan ogaado sababaha uu Sheekh Xasan Ismaaciil Bile xilka uga qabtay Muqdisho isaga oo Somaliland u dhashay, waxa la ii sheegay in uu caddaalad-darro ka tirsaday Marxuun Cigaal. Xogta waxa iiga warramay niman ay saaxiib ahaayeen Agaasime Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile (Musaabaqo) oo ay wada joogeen Baakistaan. Dalkaas waxa uu ka soo bartay agaasimuhu cilmiga dhaqaalaha.
Anigu waxa aan Baakistaan joogay 2007-2008da iyada oo aanu markaas Musaabaqo joogin. Waxa ay yidhaahdeen "Cigaal ayaa xil u magacaabay Sheekh Xasan Ismaaciil, maalintii dambena wuu ka qaaday iyada oo la yidhi "qof ayaan kugu qaladnay”. Sidii ayuu kaga guuray Somaliland” waxa aan aamminsanahay in aanu Cabdiraxmaan Musaabaqo sidaas caddaalad ugu sheegeen xukuumadda maanta dhisan, haddii magaciisa oo qudhi ka maqan yahay. Waxqabadka uu inoogu faanayo ee wasaaraddiisa waxa ka mid ahaa isku-daygii fashilmay ee lala beegsady Ganacsade Axmed Cismaan Geelle sannadkii hore ee 2019ka.

Aniga oo aan isu tirin karin beelaha Somaliland, qaab-dhismeedka qallooca ee maanta waxa marag ii ah markii Madaxweyne Muuse Biixi uu Marxuun Cigaal ku lahaa "Macquul maaha inay
Madaxweynaha
Maxkmadda sare
Wasiirka Arrimaha Gudaha
Xeer-ilaalinta
Talliyaha Ciidanka Qaranka iwm wada haystaan in Suldaan wada xukumaa” waa Ogos 2001da oo ay socotay xiisaddii Golaha Salaaddiinta Somaliland oo dhismaheeda la isku maandhaafay. 

Agaasimaha waxa aan leeyahay goorma ayuu sax yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ma shalay oo uu Cigaal dhaleecaynayay mise maanta oo uu qalinkiisu intii uu Cigaal ku eedeeyay iyo dheeraadba magacaabay?. Madaxweynuhu isaga ayaa xaq u leh in uu mansab u xusho cidda uu doono, inta aannaan kula xisaabtamin waxqabad iyo gaabis, sawdigan adigi doonaya in aad na liqsiiso dawnimada wixii shalay madaxweynuhu diiddanaa. Ma qancin kartid cidda taagan halkii uu Muuse Biixi Cabdi taagnaa 2001da. Waxa jira dad taagan halkii Marxuun Sheekh Xasan Ismaaciil Bile taagnaa 1997kii. Adiga oo caddaalad ku magacaaban, ma sama in caddaaladdu noqoto aragtidaada. Dadku ma wada xidhan karaan muraayadda cagaarka ah ee aad xidhan tahay.
Waxa aan ku soo xidhayaa:
Digreetada haddii aan xil culus, doorka lagu siinnin
Oo aanad derejooyin guud, doorashada qaadan
"Dulmi weeye waxan uu ku kacay, dawlad baan jirinne”
Durbadaad sidii aabbahaa, doolka soconlayde
Daribtii markaad quudataad, "daaddax” leedahaye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured