HALKEED MAANTA JOOGTAA?. Dr Abdilahi Mohamed Abdi

0
Saturday May 23, 2020 - 22:42:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKEED MAANTA JOOGTAA?. Dr Abdilahi Mohamed Abdi

    Haddii aynu hordhaca maqaalkan ku bilowno bisinka alle iyo saliga nabi Mohamed (scw) , waxaynu ku lafi guri doonaa sidii aynu horeba uga hadalnay ee aynu dhowr jeer ku celclinay inaynu bal ku baraarujino shacabkeena

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii aynu hordhaca maqaalkan ku bilowno bisinka alle iyo saliga nabi Mohamed (scw) , waxaynu ku lafi guri doonaa sidii aynu horeba uga hadalnay ee aynu dhowr jeer ku celclinay inaynu bal ku baraarujino shacabkeena
Haddii aynu hordhaca maqaalkan ku bilowno bisinka alle iyo saliga nabi Mohamed (scw) , waxaynu ku lafi guri doonaa sidii aynu horeba uga hadalnay ee aynu dhowr jeer ku celclinay inaynu bal ku baraarujino shacabkeena khatarta cudurkan khatarta ah ee adduunyada soo foodsaaray . Haddaba waa inay bulshadeenu  raacaan awaamiirta muhiimka ah ee ay dawladeenu soo jeedinayso kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin qodobadan soo aocdaa :
                1 . Fadlan ku dedaal inaad faraxalato oo aad nadiifiso gacmahaaga ama aad jeermis dile adeegsataa .
                2 . Haddii aad isku aragto calaamadaha cudurkan sida , qufac qalalan , xumad farro badan , hindhiso , daal faro badan , urta sanka oo kaa guurta , neefta oo ku qabata ama naqaska oo kugu dhega , madax xanuun faro badan . Kaliya maaha intaas aynu soo sheegnay waxa soo raaci kara adiga oo aan intaas oo calaamadood midna la iman inuu xanuunku ku asiibi karo oo aanad wax calaamado ah la doonin . Taas oo afka qalaad loogu yeedho ( Asymptomatic carrier ) . 
                     3 . Haddii aad la kulantay qof cudurkan calaamahiisa leh kadibna loo cadeeyay inaad wacno  telephone number ka kooxda ka hortaga cudurka covid 19 .
                       4 . Inaad ka fogaato meelaha buuqa ah ama lagu urursan yahay .
                       5 . Inaad ciida dhar u raadsato waxaa ka wanaagsan adiga oo gurigaaga jooga khatarta kaasoo raaci karta  suuqa awgeed .
 Haddaynu ku laabano qorshayaasha loo baahan yahay ee degdega ah taasi bulshada khusaysa aynu halkaasi kaga soo gudubno . Haddaba aynu milicsano tallada aynu usoo jeedin lahayn guddida ka hortaga caabuqa Covid 19 ka iyo wasaarada caafimaadka jsl laga rabo maanta ama la gudboon in ay sameeyaan . Marka koowaad anigu shakhsiyan aniga oo ah muwaadin reer somaliland ah , kana mid ah bahda caafimaadka jamhuuriyada somaliland khaasatan Dhakhaatiirta , fikirkayga anigu marnaba kuma waafaqsani nidaamka ay guddigu u waajahayso mushkildan sababo badan awgeed oo ay ka mid yihiin : 
 A) lamay iman mawqif cad oo ku salaysan sidii cudurkan looga hortagi lahaa oo ah halka ay wax ka bilaabayaan iyo la tashigooda bahda caafimaadka ee waxqabadka u heelan oo ay ka fooraraan .
B) Qorshohoogii oo aan gobolada ku waajahnayn , haddii aynu soo qaadano xudduudaha waa la xidhay baa la yidhi balse inta ummad kasoo gasha ee waddanka soo gashaa tiraba malaha .
C) Wadda shaqaynta guddiga iyo wasaarada caafimaadka xidhiidhka kaliya ee ka dhaxeeyaa waa marka kiis la sheegayo iyo waxogaa sidii dhaqaalaha caawimada ah loo kala maarayn lahaa . Markaasi wey wadda shaqeeyaan .
D) Guddigu qalabka lagu wareejiyay ee mechanical ventilators ka ah way qaateen oo way la wareegeen balse ma haystaan xirfadlayaashii caafimaadka ee ku shaqayn lahaa , taas oo tusaale u ah qorshe xumadda ragaadisay wasaarada caafimaadka somaliland . Inaan qoraal kaliya wax idiinku sheego maaha . Tani waxay cadaynaysaa lexo jeclo xumada mid kastaa aanu dadkan iyo dalkan aanu rajo ka qabin ee ay la wayn tahay oo kaliya meel ka gaadh intaad kursiga joogtid taasina ina anficimayso 
E ) waxaa loo baahan yahay maanta si degdeg ah inaynu u helno machines ama mishiinadii Oxygen ta soo saarayay oo dhan ugu yaraan sagaal xabadood iyo haamihii oxygen taa qaadi lahaa oo noocyo kala duwan leh . Maanta ummadu waxay tabaysaa laba arrimood qorshe cilmiyaysan oo loogu adeego iyo qalabka hadday helaan ciddii ku shaqayn lahayd .
Haddaba gudida iyo wasaarada caafimaadku waa inay intaas iska kaashadaan oo ay qorshayaashan degdega ah la yimaadaan . Waa tallada aan soo jeedin lahaa anigu shakhsiyan . Balse aniga ta ii muuqataa ilama aha inay intaasi suurto galayso walow aan qoraalkayga kusoo gudbiyay social media ha iyo qebsite yo kala duwan . Gudigu reer maaha meel xoolo lagu qaybsado maaha , wasaaradu reer maaha ,  qabyaalada intoo la isk daayo ummadan aayaheeda halaga taliyo , 50% shaqaalaha caafimaadka ee wasaarada caafimaadka dhex joogaa waa kuwo reernimo iyo wajiga  ina hebel ama ina heblaayo ku yimi taasina qarankan anfici mayso . Ethiopia iyadoo noloshayda ,guriga aan degayo iyo shaqdii aan qaban lahaa ii diyaar tahay ayaabaan kasoo dhaqaajiyay sababtuna ay tahay inaan muwaadin waddan u dhashay ahay . Maqaalka cid laguma dhaliilayo balse waxaanu ka codsanaynaa madaxwaynaha jsl muddane muse Bihi inuu dib u eegis ku sameeyo wasaarada caafimaadka iyo guddida ka hortaga covid 19 . Ma aaminsani inay dhaqaale daro dhigtay halka tan ummadeena balse waxaa dhigtay qorshe daro iyo maalinba mid aan rajo ka lahayn waddankan oo soo hor istaagaya iyo bulshadeena oo ilawday dhamaantood waxay xaqa u lahaayeen .
Ramadan kareem 
Waxa qoray Dr Abdilahi Mohamed Abdi , MD , Advanced trained of forensic medicine .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured