Macalinkii uu Mushararkiisa kula Dagaalamay Maamulaha Dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin oo Maalintii 5-aad Xabsi ku Jira Isagoo Lug iyo Gacan ka Jaban...

0
Monday May 25, 2020 - 16:58:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinkii uu Mushararkiisa kula Dagaalamay Maamulaha Dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin oo Maalintii 5-aad Xabsi ku Jira Isagoo Lug iyo Gacan ka Jaban...

    Taliska Saldhiga Daloodho oo Ehellada Macalinka u Sheegay in awood xaga sare lagaga Keenay, Daaweyna Loo Ogolayn...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Saldhiga Daloodho oo Ehellada Macalinka u Sheegay in awood xaga sare lagaga Keenay, Daaweyna Loo Ogolayn...
Hargeysa(Xogreebnews)- Macalinkii ay Daba-yaaqadii Ramadaan Dagaalameen Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin, ayaa Xabsiga ku dhex Xanuunsanaya, isagoo maalintii 5-aad ku xidhan Saldhiga Daloodho.
Macalinka oo sida eheladiisu sheegeen waxa uu dhaawacyo waaweyn ka qabaa meelo kala duwan, ha ugu darnaato Lug iyo gacan ay sheegeen in Jabniin ay tahay. Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu kamid ahaa Macalinta waxka dhiga dugsiga Nuuradiin qaybta Sheekh Madar, isagoo ay isku dhaceen Maamulka dugsiga, isla markaana ku lahaa dugsiga Nuuradiin 4 bilood oo mushahar ah, sida ay sheegeen ehellada Macalinka.
Haseyeeshee, waxa layaab noqotay gacan ka Hadalkii dhexmaray Maamulaha Nuuradiin iyo Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed in dhaawacii soo gaadhay maamule Mahadna afar dhakhtar la isku mariyey, halka Xabsiga lagu Riday Macalinkana, isagoo bulsho dhami gacanta saartay, isla markaana qaba dhaawacyo ka wayn kuwa uu qabo maamule Mahad,
Ehellada macalinka Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo la Hadlay shabakad Xogreebnews waxa ay sheegeen in ay ugu tageen dhakhtarka maamule mahad,  hase-ahaatee uu diiday markii loo sheegay in loo soo booqday, diiday in ay is arkaan, Waxanay sheegeen Masuuliyiinta saldhiga Daloodho diideen in wax Daawo ah loo keeno, isla markaana aan la geynayn dhakhtar. Sidaasna uu maalintii 5aad ku xidhan yahay Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed. La soco qaybaha dambe iyo wixii kasoo Kordha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured