BAAQA KACDOON SHACAB MISE FAJI ABAABULAN?.Qalinkii Yassin Ismail

0
Wednesday May 27, 2020 - 13:29:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQA KACDOON SHACAB MISE FAJI ABAABULAN?.Qalinkii Yassin Ismail

    BAAQA KACDOON SHACAB MISE FAJI ABAABULAN?.Qalinkii Yassin Ismail

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAAQA KACDOON SHACAB MISE FAJI ABAABULAN?.Qalinkii Yassin Ismail
Dhalinyaradan Soo saaray Baaqa Kacdoon Shacab yaan la dhibsan Waayo Waa laga dhex hadlayaa.
Laakiin kaliya Ha lagu yidhaahdo dhalinyaro Waxaa samayseen eedaymo aad ku dhaliisheen Institutions ka dawliga ah ee qaranimada Somaliland ku dhisantay.
Waxaa ka mid ah Eedaymo la xidhiidha Constitution ka Somaliland, Judiciary ga ama Garsoorka Somaliland, waxa ka mid ah eedaymo la xidhiidha Sinaanta distuuriga ah ee muwaadiniinta Somaliland, awood qaysiga iwm
Dhalinyaradaas markaan dhegaystay hadalkooda monotonous ka ah ee isku soo noqnoqnaaya waxa ku jirta kelmada "wixii loo soo dagaalamay” iyo "Heshiiskii qaran ee lagu galay shirkii Boorame”.
Markiiba Waxaad fahmaysaa in aanay fahamsanayn ujeedada loo sameeyay Axdi Qarameedka iyo in axdi qarameedka iyo Constitution ku kala duwan yihiin.
Axdi Qarameedku Waa guiding principles qeexaaya waxyaalo kooban oo qaranka lagu aasaasayo.
Laakiin National Constitution ku Waa qawaaniin sharci ah oo ka si ahaan ka shidaal qaadanaysa Axdi Qarameedka isla markaana la rabo in awaamiirtu ku salaynaato ilaa xadka suurto gal ah ee la waafajin karo spirit ka qiyam ahaan uu dhigan yahay Axdi Qarameedku.
Sidaa darteed horta Axdi QaraMeedku Waa guiding principles ama gentlemen’s agreement. 
Faa’iidada uu leeyahayna waxa weeye in lagu naaqisho Constitution ka oo markaa dood laga furo Constitution ku inuu waafaqsanyay Axdi Qarameedka in spirit, si halka aanu ka waafaqsanayn loo daraaseeyo e sidiisa dood sharci ah ma aha.
Balse Constitution ka ayaa laga keeni karaa doob sharci ah.
Dhalinyaradan ku hadaaqaya "wixii loo dagaalamay” horta kuwo dagaalamayba Ma aha. Ka ugu wayni sanadahaa u dhexeeyay 1980s kii ilaa 1991 kii ama naaska hooyadii buu jaqaajay ama buuryadaba lagama goynin wax wadanka loo soo marayna Ma oga.
Mid baan soo jeedinayaa: waxba yaan loo baqanin. Ha la qaban qaabiyo Dood ama Debate dhalinyaradaa lagala doodo bal inay si hufan usoo bandhigaan cadaymahaha ay u hayaan eedaymaha ay soo jeediyeen kuwooda ugu muhiimsan.
Todoba xubnoon Ha iska soo xulaan. Dawladana Waxaan odhan lahaa 7 ba aan ku jiro Ha soo xusho.
Weliba Television madax banaan iyo moderators madax banaan iyo shacbi ka ka soo qayb galaan.
Waxaan hubaa in dhalinyaradaasi goobtaa cashar lama ilaawaan ah ay kala tegi lahaayeen.
Qaar baa shaqsiyadooda la examine garayn doonaa oo ceebahooda la hayaa.
Qaar baa eexda iyo qaraabakiilka ay sheegeen si shaqsi ah loogu cadayn doonaa.
Qaar baa in ay juz camoolayaal ka yihiin diinta iyo cadaalada Islamiga ahi ku cadaan doontaa.
Muse Cali Faruur muxuu yidhi: "kabashada cilmiga gaaban Waa lagu kadeedmaa”
Nin kalena Waxaa laga hayay "Culimada Jabaabiirta ahiba ima jikaaraane,
Juz camoolayaal baa Ina Bartiyo jiim ku Aliflii”
Waxaynu kale oo baran doonaa dhalinyaradaa bal halka dareenkan ay uga soo shidaal qaadanayaan.
Waxbana la isu qarin maayo e Waa la isu badheedhayaa.
Mr Darfac, oo ah hogaamiyaha group kan, Waxaan ku leeyay, "it is always a common practice in law that the burden of proof is on the accuser”
Eedaymihii aad soo jeedisay cadaymaheeda oo nidaamsan baa lagaa rabaa waxna lagaa su’aali doonaa. Markaa 7 qof oo aad ku jirto soo xulo shacbiguna 7 ba xubnood oo eedaa qarankooda ka difaaca baad la doodi.
Qalinkii 
Yassin Ismail
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured