Somaliland way Bad-qabtaa ee Ha Burburin, Baaq Wa-doow, Ka Qayb-qaado Wacyigelinta Coronavirus?. Faallada Shabakada Xogreebnews.

0
Wednesday May 27, 2020 - 17:57:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland way Bad-qabtaa ee Ha Burburin, Baaq Wa-doow, Ka Qayb-qaado Wacyigelinta Coronavirus?. Faallada Shabakada Xogreebnews.

    Somaliland way Bad-qabtaa ee Ha Burburin, Baaq Wa-doow, Ka Qayb-qaado Wacyigelinta Coronavirus?. Faallada Shabakada Xogreebnews.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland way Bad-qabtaa ee Ha Burburin, Baaq Wa-doow, Ka Qayb-qaado Wacyigelinta Coronavirus?. Faallada Shabakada Xogreebnews.
Hargeysa(Xogreebnews)-Baaqyada dhiilada leh, ee ay soo walwaalee kooxo isaggu jira kursi doonka iyo dal burburin, ayaa todobaadyadii u dambeeyey lagu was-waasinayey Bulshada ku Iimaan qabta darajooyinka sanaadlaha,bilaha iyo todobaad laha ah ee ay koraysay qaranimada Somaliland iyo haykalka dawladnimo ee qaan-gaadhay.
Shaqsiyaadkan oo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay baaqyada ay soo sareen la xidhidhiyeen faro-gelin dibadeed iyo weliba kooxo aynu ku magacaabi Karno Karno ujeedadooda Cad-yahow Ku Cunay ama ku Ciid-deeyey. Waxay ku mashquulsan yihiin xoojinta iyo meel-marinta baaqii 100 ka qof, in lagu Bedelo midka sii sal-balaadhan oo ah inuu noqdo mid dano dhaqaale lagu meelmariyo, maadaama oo dawlado shisheeye maalgelinayaan.
Abaabulayaasha samaystay hal-ku-dhiga Baaq shacab, waxa ay hada ku hawlan yihiin wejigii labaad ee mashruucaas iyo weliba xoojinta kii hore. Waxanay sheegeen shaqsiyaadka kamid ahi, in ajadkaha kooxdu yahay mid ka fog saxi-taan lagu sameeyo gal-daloolooyinka Dawladnimo, hase-yeeshee ujeedada salka u ah, waxay ku sheegeen minjo xaabin lagu sameeyo qaranimada dalka.
Sidaas daraadeed waxa Nagu dhaliyey faafinta qormadan in aan Dalka loo burburin galdaloolooyin la gufayn karo, isla markaana la saxi karo. Waxa kaloo xusid mudan nabada iyo hana-qaadka dawladnimo yahay mid u baahan in dhinacyada laga istaago, iyadoo cidi duminaysana sidii Somaliland kusoo caano-maashay meel looga soo wada-jeesto.
Hadaba, bulshada aan ku bararugsanayn bartilmaameedka uu ku abaaran yahay Baaq shacab waxa la Gudboon inay Fahmaan waxa loogu beegay shaac-qaadka barnaamijka Baaq shacab maalinta Xoriyada Somaliland dib ula soo laabatay ee 18-ka May, iyadoo weliba dalka iyo dunida ay ka jirto xaalad caafimaad daro oo ba'an, isla markaana uu kala xidhay dunida Coronavirus, waxana uu halista Xanuunkani hada faro-ba'an ku haya Somaliland iyo dalalka la jaarka ah, baaqyada noocan ahina waa kuwo Bulshada ka mashquulinaya in ay is Wacyigeliso iyo inay qaataan Wacyigelinta dawlada, mana aha Maanta maalinkii laga sheekeyn lahaa waxa dawlada ka khaldan,balse waa maalinkii la isweydiin lahaa sidee-baynu u badbaadinaa nafaheena iyo weliba ta ehelladeen. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured