Macalinkii u Mashaharkiisa Kula Dagaalamay Maamulaha Dugsiga Nuuradiin oo Dhakhatiirtu Cadeeyen inuu Qaliin Culus u baahan yahay, Iyo Ciidamada oo Xabsiga Dib ugu Celiyey, Diidayna inay Soo Xidhan Dadkii Dilma-wadareedka u Gaystay...

0
Thursday May 28, 2020 - 15:26:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinkii u Mashaharkiisa Kula Dagaalamay Maamulaha Dugsiga Nuuradiin oo Dhakhatiirtu Cadeeyen inuu Qaliin Culus u baahan yahay, Iyo Ciidamada oo Xabsiga Dib ugu Celiyey, Diidayna inay Soo Xidhan Dadkii Dilma-wadareedka u Gaystay...

    Macalinkii u Mashaharkiisa Kula Dagaalamay Maamulaha Dugsiga Nuuradiin oo Dhakhatiirtu Cadeeyen inuu Qaliin Culus u baahan yahay, Iyo Ciidamada oo Xabsiga Dib ugu Celiyey, Diidayna inay Soo Xidhan Dadkii Dilma-wadareedka u Gaystay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkii u Mashaharkiisa Kula Dagaalamay Maamulaha Dugsiga Nuuradiin oo Dhakhatiirtu Cadeeyen inuu Qaliin Culus u baahan yahay, Iyo Ciidamada oo Xabsiga Dib ugu Celiyey, Diidayna inay Soo Xidhan Dadkii Dilma-wadareedka u Gaystay...
Hargeysa(Xogreebnews)- Xogo la Xidhiidha Xaalada Caafimaad ee Macalinkii dhowaan uu Mushaharkiisa Kula dagaalamay Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin, isla markaana uu Xabsiga u Taxaabay, ayey dhakhatiirtu cadeeyeen inuu ka Jaban yahay Lug iyo Gacan, sidoo kalena qabo nabaro badan oo kale.
Waxana Shalay loo Ogolaaday in sadex saacadood la geeyo Cisbitaal, Kaddibna Jeelka lagu celiyo, ehelada Macalinka ayaa Shabakada Xogreebnews u sheegay in la Kabay gacantii, sidoo kalena waxay u cadeeyeen Dhakhaatiirtu in Lugta ay Jabniin Halisa tahay, isla markaana uu gelaayo Qaliin culus.
Waxana Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed isagoo aan lugtii la kabin, sidoo kalena dareemaya xaalad caafimaad oo xanuun badan dib loogu celiyey Saldhiga Daloodho, halkaasoo uu weli ku xidhan yahay isagoo jaban.
Wararku waxay intaa ku darayaan in taliska Saldhiga Daloosho diiday inuu soo qabto dadkii sida arxan darada ah u garaacay Macalinka, isla markaana gaadhsiiyey nabarada, waxana la sheegay in dadka dilmo wadareedka u geystay Macalinka inay kamid yihiin ehellada Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin, waxana xoguhuu intaa ku Dareen in Ciidamada  Maamule Mahad awood dhaqaale kaga hor-joogsaday in lasoo qabto.
Geesta kale siday noo xaqiijiyeen ehelada Maamule Mahad Xaaladiisa Caafimaad aadbay u wanaagsan tahay, iyadoo baadhitaano caafimaad oo lagu sameeyey dhamaantood ay sheegeen inuu qabo dakhar Qodobo badan la tolay, balse waxay dadka maamule Mahad soo eegay sheegeen inuu fiican yahay, isla markaana uu weli ku jiro dhakhtar Haldoor. Qodobada madaxa ee la tolay dhamaantood waa Cadka sare sida ay noo sheegeen dadka ka ag dhow.
Sidaas daraadeed waxa loo baahan yahay in labada muwaadin helaan cadaalad siman, daryeel Caafimaad oo is le'eg iyo sharci si cadaaladda u kala fardaamiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured