Somaliland: Guddiga ka Hor-tagga Covid-19 oo Go'aan Hore Khafiifiyey....

0
Sunday May 31, 2020 - 17:42:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Guddiga ka Hor-tagga Covid-19 oo Go'aan Hore Khafiifiyey....

    Somaliland: Guddiga ka Hor-tagga Covid-19 oo Go'aan Hore Khafiifiyey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Guddiga ka Hor-tagga Covid-19 oo Go'aan Hore Khafiifiyey....

Hargeysa(Xogreebnews)-Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga Cudurka Covid-19 ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aanno ay ku khafiifiyeen amarradii ay hore u soo saareen ee looga dan lahaa yaraynta faafitaanka xanuunkaas.

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND ABDIRAXMAAN-SAYLI’I 2020 GUDDOOMIYAHA GUDDIGA


War-qoraal ah oo ay soo saareen Axadda 31-ka May 2020 Guddiga Qaran, ayey ku sheegeen in Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) la furi karo, balse lagu amrayo inay raacaan una hoggaansamaan dhammaan habraacyada loogu talagalay ka hortagga faafitaanka Covid-19, sida adeegsiga gafuur-xidhka, faro-gashiga iyo kala fogaanshaha Bulshada.

Haddaba, Warkaas qoraalka ah ee Guddiga ka soo baxay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, ayaa lagu sheegay inaanay waxba iska beddelin go’aannadii iyo amarradii hore ee lagu soo rogay Gaadiidka Dadweynaha, Masaajiddada iyo Meheradaha iyo meelo kale, isla markaana waxa lagu adkeeyey inay dadku u hoggaansamaan amarrada, isla markaana ilaaliyaan nidaamka lagu ilaalinayo ka hortagga faafitaanka xanuunka. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:-

GO’AAMADA AY GUDDIDA COVID-19 KU SAMEEYEEN DIB U EEGIS IYO KAABIS:

GOOBAHA CIYAARAHA:

Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) waa la furi karaa, balse waxa lagu amrayaa inay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

GAADIIDKA DADWEYNAHA:

Dhammaan Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan; sida: basaska rakaabka, tagaasida, tikta (bajaaj) ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii ay Guddida COVID-19 hore u soo saartay, waxana ay ahaanayaan sidoodii hore ilaa 30-ka June 2020.

Sidoo kale, dhammaanba Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan waxa lagu amrayaa in ay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaanshaha, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

MASAAJIDADA:

Dhammaan Masaajidada waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba hab-raacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19 (sida: sijaajadaha, kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga).

Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal ayaa lagu samayn doonaa. Sidoo kale, waxa xidhnaanaya Musqulaha iyo Goobaha weysada.

GOOBAHA SHAQADA & GANACSIGA:

Dhammaan Goobaha Shaqada iyo Ganacsiga waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

DUULIMAADYADA DIYAARADAHA:


Duulimaadyada Diyaaradaha, kuwa ku socda iyo kuwa ka imanayaba, ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii Guddida heer Qaran ee COVID-19 ay hore u soo saartay, waxayna ahaanayaan sidoodii ilaa 30-ka June 2020.


ISU-IMAATINKA BULSHADA:


Waxa gebi ahaanba reeban (mamnuuc ah) isu-imaatinka iyo isu-soo-ururka bulshada nooc kasta oo uu yahayba, wax ka badan 10 qof (oo raacaya habraacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19, sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Wixii laga maarmi waayo, waxa ogolaansho Qoraal ah laga qaadanayaa Guddida Heer Qaran ee Ka hortagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayey ku yidhaahdeen qoraalka warkan ay waxka beddelka ugu sameeyeen Guddiga heer Qaran ee Covid-19 go’aannadoodii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured