"Sheekaddi Dhex Martay Mr Mucaarid iyo Mr Muxaafid" Jamaal Cali Xuseen

0
Monday June 01, 2020 - 14:48:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sheekaddi Dhex Martay Mr Mucaarid iyo Mr Muxaafid" Jamaal Cali Xuseen

    "Sheekaddi Dhex Martay Mr Mucaarid iyo Mr Muxaafid" Jamaal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sheekaddi Dhex Martay Mr Mucaarid iyo Mr Muxaafid" Jamaal Cali Xuseen
"Laba nin oo midna muxaafid yahay midna mucaarid yahay oo weligood saaxiib ahaa ayaa iyagoo beryhaa is arag balamay si ay bal u wada qadeeyaan oo u sheekaystaan. Iyagoo makhaayaddaa cuntada fadhiya waxaa soo quud daraynaysa Bisad aad u dhuubatay ama caatoowday oo ay diif faro badani ka muuqato. Halkii sheeko xiiso lihi labaddii nin ku dhex maraysaa, waxaanay u dhacaysaa sidatan:

Mr Mucaarid : Waaryaahee saaxiib ilaa Bisadihii ayaa dalkii ku bakhtiyey intii aad xukunka qabsateen.
Mr Muxaafid: Waar imika barwaaqo ayaabu dalkii ku jiraa oo waa kuwan roobabku da’aye garan maayo halka Bisadan xumi ka timid. Malaha waa mid Muqdisho inagaga timidba.
Mr Mucaarid: Horta Bisadahu ma dooga ayeey cunaan muxuu roobku u tarayaa haddii dadkii busaaradsan yahay oo aanay xoolaba qalaneynin. Kuwii horaaba idin dhamaaye.
Mr Muxaafid: Waar dalku meel fiican buu marayaa ee idinku ma xafladihii iyo dhagax dhigii iyo indho sarcaadkii baad u haysataan horumar.
Mr Mucaarid: Waar kuwii hore xataa Sheekh Aadan Siiro oo mucaarid weyn ku ahaa ayaa imika qiraya inaydin dhaameen oo uu dalku kala socday oo laba meelood saddex ahaan dalka ku soo celin jireen. Idinka xataa kuwii wasiiradda idiin ahaa baa idinku dul bakhtiyaya. Ma waxaanay Bisadaasi bakhtiyin baa oo dadkii baa sideeda ku socdee.
Mr. Muxaafid: Horta iyadan Bisadani waa qaran dumis oo iyadda qaar qaranimadeena ka soo horjeedda ayaa ku adeegta sheekadeeda ee inaga daayoo. Adeer dalka kuwii xoreeyey baa haystee la qabsadda.
Mr Mucaarid: waar ileyn dalka kelidiin maydaan xoreyne kuwan aad leedahay waxbay xoreeyeen ma daacadnimay u xoreeynayeen mise way xoreysanayeen. Mida kale wixii laga dagaalamay sowtan dib loogu noqday. Qoladaynu la dagaalanay iskuulo bilaasha iyo caafimaad bilaasha iyo biyo bilaasha ayeeynu haysanaye, horta halkaynu ku soconay.
Mr Muxaafid: waar horta maxaa marka mid anaga ahi uu xukunka u qabsado aad u waalataan. Adeer markiina suga raggii ina xoreeyey baa kursiga ku fadhiyee suga markiina.
Mr Mucaarid: Uu wuxuba ma intanay ahayd? In kolba mid inaga ahi uu kolba ka atooreeyo oo dhalinyaradeenana qabyaalad lagu kala qaybiyo oo aynu kolba mid la safano oo la yidhaa maanta reer hebel baa haysta iyo waa reer hebel markoodii. Waar qaranimaddii aynu dadka dalkan inala leh ku lahayn aynu wada doonano ma waxay maraysaa in Bisadihii ay qaran dumis noqdaan. Dee malaha iyagana ha la soo xidho beri dhow baa ku xigta.
Mr Muxaafid: Waar sowtii Layna laayey ee aynu ka dagaalanay ee aynu maanta Ilaahay mahadii dalkeenii haysano maxaa inaga maqan. Nimco ayeeynu ku jirnaaye.
Mr Mucaarid: Hadda ogow 30 sano ku Koonfur baynu wax wada lahayn. 30 sano inagaa keligeen is xukumaynay oo rabnay inaynu dawlad noqono. Hadaba intii danbe dib baynu u soconaa. 30 sanadood in aynu meel fog ku gaadhno ayeey ahayd. Laakiin kula yaabi maayoo inaan kugu xiiqaba maaha oo dhalinyaraddii ayaa la kala qaybiyey oo nimankan ina haystaa waa ragaynu berigii dagaalka u baahnyen laakiin 30 sanadood ka dib maaha raggii aynu u baahneyn ee dagaalkan cusub iyo caalamkan cusub ee aynu wax ka doonayno ina hogaamin kari lahaa; 
Mr Muxaafid: Waar dalkan kuwii xoreeyey baa haysta maanta cid uga lexejeclo badana ma joogto oo dadkan qurbaha ka yimid baa dalkii waalaya ee kuwaa inala joogay ee garanaya waxaynu galno iyo waxaynu gudno inoo daaya.
Mr Mucaarid: Horta dalkan waa laynala leeyahay ee reerkeenan oo keliyi ma laha mid usoo dagaalamay iyo mid aan u soo dagaalamin iyo mid dagaalkii dhinaca kale ahaaba. Ka adeer inala joogay ee aan caalamkaba garaneynin muxuu inooga soo goyni maba garanayo siduu caalamku uba shaqeeye. Waar dalkan Qurbo-joogga goormaynu ka yeelanay miyaanay ahayn kuwii ina soo biilinayey ee dalkan 30 sanadood xoogooga iyo dhidikooda ku dhisayey ee dagaalkiina afka, adinka iyo dhaqaalahaba ku dagaalamay. Malaha iyaguna waa qaran dumis sida bisadaasoo kale hadday yidhaahdaan dalka sidan ha laga daayo.
Mr Muxaafid: waar qolooyinkiinan xaasidnimo ayaa idinku jirta dalkuna meel fiican buu marayaa, waanu garanaynaa adigoo miidhan oo xataa Xamar laga soo diray si aad dalka u burburiso.
Mr Mucaarid: Waar bal intaanan qaran dumis aniguna noqon sida Bisadan oo aydaan ii xidhin aan iska aamuso malaha waxbaa ka salag lehe. Waar bal aakhiruun xasuusta anigu waanigan iskaba aamusaye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured