Fadeexadaha Dul-hoganaya Wasaarada Jidadka iyo Dib u dhaca Mashruuca Berbera Corridor oo Noqday Faanoole Fari-kama Qodna...

0
Monday June 01, 2020 - 18:35:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadaha Dul-hoganaya Wasaarada Jidadka iyo Dib u dhaca Mashruuca Berbera Corridor oo Noqday Faanoole Fari-kama Qodna...

    Fadeexadaha Dul-hoganaya Wasaarada Jidadka iyo Dib u dhaca Mashruuca Berbera Corridor oo Noqday Faanoole Fari-kama Qodna...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexadaha Dul-hoganaya Wasaarada Jidadka iyo Dib u dhaca Mashruuca Berbera Corridor oo Noqday Faanoole Fari-kama Qodna...

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi iyo madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar, ayaa February 28, 2019 -kii si rasmiya u dhagax dhigay jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale, kaasi oo dhan 250km oo ay maalgalinayso dawlada Imaaraadka Carabta.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay duleedka Bari ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaybgallay wufuud ka socota Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo marti sharaf kale, waxaana jidkan si rasmiya loo bilaabay bisha March 15-keeddii.


"Wadadan Berbera illaa Wajaalle oo loo-yaqaan Berbera Corridor waxay dhan tahay 250km, wuxuu soconayaa 22 bilood, waxaana ku bixi doonta 111milyan oo dollar, waxaana mashruucan ku jira toddoba Bariijj iyo madaarkii shacabku isticmaali lahaa ee Berbera, waxaana dhismaheedu bilaabmi doonaa bishan march 15-keedda sida uu sheegay wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor.
Hadaba su'aasha isweydiinta leh, waxa ay tahay waqtigii la sheegay inuu mashruucani dhamaan-doono waxa ka hadhsan wakhti yar, oo ah intaa ka hadhsan sanaadkan 2020, waxana maanta uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi xadhiga ka jaray 12 Km, oo kamid ah wadada Berbera Corridor, waxana socda shaqada mashruucan, hase-yeeshee waxa muuqata inuu faashil iyo dib u dhac wayni ku yimi mashruuca, kaasoo ay sabab u tahay qandaraasyo madmadow iyo qaraabo Kiilnimo lagu siiyey shaqsiyaad sheerar hoose lagula jiro.
Faashilka iyo Fadeexadaha dul-hoganaya Wasiirka gaadiidka Somaliland Md. Cabdilahi Abokor, oo mashruucan ka ah gadhwadeen, isla markaana Qaranka uga masuul ah, ayaa intaa badan lala xidhiidhiyaa inuu qayb ka yahay dib u dhaca ku yimi mashruuca. Kadib markii uu qandaraasyo siiyey shirkaddo gacanku rimis ah iyo kuwo dano kale uu kula midoobay, kuwasoo markii mashaaricda la siiyey u dirtay dibada Qalab iyo weliba agab, maadaama oo aanay markii hore haysan wax Qalab ah.
La soco xogo daaha ka faydi doona Musuq-maasuqa iyo dibu dhaca ku yimi wadada Berbera Corridor iyo weliba Fadeexadaha masuuliyad daro ee Wasiir Cabdilahi Abokor.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured