Somaliland: Wasiirkii labaad oo Sheeg in laga helay Coronavirus Iyo Xaaladiisa oo u ka Warbixiyay..

0
Tuesday June 02, 2020 - 15:43:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Wasiirkii labaad oo Sheeg in laga helay Coronavirus Iyo Xaaladiisa oo u ka Warbixiyay..

    Somaliland: Wasiirkii labaad oo Sheeg in laga helay Coronavirus Iyo Xaaladiisa oo u ka Warbixiyay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Wasiirkii labaad oo Sheeg in laga helay Coronavirus Iyo Xaaladiisa oo u ka Warbixiyay..
Hargeysa(Xogreebnews)-"Wasiirka isgaadhsiinta C/wali sheekh C/laahi Suufi, Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay 'Positive'.
Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.
Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.
Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen.
Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan.
Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland.
Guryaha jooga
Kala fogaada
Gacmaha maydha
Taxadirku waa muhiim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured