Suldaanka guud ee Beelaha Warsan-geli oo ku Sugan Hargeysa, kana Soo Huleelay Puntland....
Suldaanka guud ee Beelaha Warsan-geli oo ku Sugan Hargeysa, kana Soo Huleelay Puntland....
Hargeysa (Xogreebnews)- Suldaan Siciid C/salaam Maxamuud Cali Shire ayaa ku sugan Magaalada Hargaisa sida warku sheeegayo waxana uu degen-yahay hotel Baraar ee Magaalada Hargaisa.
Suldaanka ayaa Mudo dheer ka maqnaa Magaalada Hargaisa & Guud ahaan Somaliland, waxana ay Siyaasadiisu ku badnayd dhinaca Gobolada Puntland tan Doorashadii Puntland ee 08-January 2019- waxa uu Gacan-saar la lahaa Puntland isaga oo soo xulay Xildhibaanada Gobolka Sanaag ee dhinaca Puntland.
Hase ahaatee Siyaasada Suldaanka ee dhinaca Puntland waxa aad uga shaqeeyay oo Ku hayay Puntlnad bay leeyihiin Dadka arrimahan lafa Guraa Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Xaaji Maxamed Dhooba-daareed, in kastoo markii danbe ay kala xadhig furteen.
Qorshaha uu u yimi Hargaisa lama sheegin waxana uu aad isaga ilaalinayaa Warbaahinta isaga oo qorshaynaya inuu la kulmo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland.
Safarka Suldaanka waxba kama aysan ogayn Masuuliyiinta Gobolka Sanaag ee dhinaca Hargaisa. Leave a comment |
|
Suldaanka guud ee Beelaha Warsan-geli oo ku Sugan Hargeysa, kana Soo Huleelay Puntland....
Suldaanka guud ee Beelaha Warsan-geli oo ku Sugan Hargeysa, kana Soo Huleelay Puntland....