"Ragga mujaahidiintii SNM ee Geeriyootay u Abtirinayow ma ogtihiin in Geerida Dabadeed qof waliba yahay in heblaayo".Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland. Axmed Xasan Carwo.
"Ragga mujaahidiintii SNM ee Geeriyootay u Abtirinayow ma ogtihiin in Geerida Dabadeed qof waliba yahay in heblaayo".Agaasimaha guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland. Axmed Xasan Carwo.
Hargeysa(Xogreebnews)- "Ragga mujaahidiintii SNM ee Geeriyootay u abtirinayow ma ogtihiin in geerida dabadeed qof waliba yahay in heblaayo. Aabbe Laguma abtirsado ee waa hooyo. Maanta waxay Ku abtiradaan hooyadood, iyo qabiilka abtiyaashood. Waxa aad halkan Ka wadaan waa isku dir iyo aakhiro seeg. Rag saf wada galay oo u shahiiday inaad wanaag Ku noolaato ayaa been iyo isku dir la dhex joogtaan.
Xigmad ayaa ku jirta in hooyo lagu abtirsado nolosha aan dhammaad iyo duugow lahayn. Imisa ragaas aad hadalgaysaan ayaa maanta ah reerka aad caayeysaan ee reer abtigii.
Wax yar soo baadh oo ogow maanta cidda ay yihiin. Reerkiina aad u haysato eed difaaca beenta ugu jirto hebel maanta ma aha ee waa reerka aad cayda iyo beenta Ku dhamuuqayso.
Walaalo dagaal wada galay, naftooda u huray dartaa keenay guul ay wadar ahaan Ku gaadheen, ha Ka dhooqayn. U geli taariikhda guusha Wadareed, u qor magac ay wadaagaan, Ku xusuuso nabadda iyo deganaanshaha iyo horumarka dhaqaale, dhaqan ee dalku gaadhay. Inta dhiman waa waajib Ku saaran ee iyagu wey guteen waajibkoodii. Waxii hagaajin u baahan waa inniga mid ina sugaysa.
U duceey. Alle ha u naxariisto qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardowsta sare ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco.
Leave a comment |
|