Fadeexad Dul-hoganaysa Qaabka uu Mushaharka Macalimiinta u bixiyo Dugsiga Nuuradiin iyo Galdaloolooyinka Warqad Shalay Lagu diidsiyey Mushaharkii Macalinka Lugta iyo Gacanta laga Jebiyey....

0
Thursday June 04, 2020 - 18:11:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Dul-hoganaysa Qaabka uu Mushaharka Macalimiinta u bixiyo Dugsiga Nuuradiin iyo Galdaloolooyinka Warqad Shalay Lagu diidsiyey Mushaharkii Macalinka Lugta iyo Gacanta laga Jebiyey....

    Fadeexad Dul-hoganaysa Qaabka uu Mushaharka Macalimiinta u bixiyo Dugsiga Nuuradiin iyo Galdaloolooyinka Warqad Shalay Lagu diidsiyey Mushaharkii Macalinka Lugta iyo Gacanta laga Jebiyey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad Dul-hoganaysa Qaabka uu Mushaharka Macalimiinta u bixiyo Dugsiga Nuuradiin iyo Galdaloolooyinka Warqad Shalay Lagu diidsiyey Mushaharkii Macalinka Lugta iyo Gacanta laga Jebiyey....
Hargeysa(Xogreebnews)- Iyadoo uu Maamulaha Dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin,dhaqaale badan ku bixinayo Marin-habaabinta qaabkii ay isku dagaaleen Macalinka uu Mushaharkiisa kula dagaalamay, ayaa waxa isa-soo taraya Fadeexadaha iyo Qaabka fashilan ee ay usoo maleegayaan Wajaladaa ku aadan Macalinka Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo laga Jebiyey Lug iyo gacan.
Hadaba Barnaamijkii Boro-bagaandada ahaa ee shalay uu Telefishanada ka sii daayey Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin, dadka ka Hadlay waxa kamid ahaa Maamulaha Maamulaha qaybta Sheekh Madar ee Dugsiga Nuuradiin, waxanu Warbaahinta la Wadaagay Warqad uu sheegay inay tahay mid mushaharka loogu diray Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed.
Hase-yeeshee Warqadaasi maha mid kasoo baxday Shirkadaha Telesom ama Somtel, Waayo? Kama muuqdan Shirkadahaasi magacooda oo sida cadada u ah marka laga daabacanaayo waxay kusoo siinayan Warqad magacoodu xaga sare ka muuqdo.
Teeda kale warqada lala Wadaagay Warbaahinta bal u fiirsada qaabkay u qoran tahay waa mid lagu farsameeyey Computer, sidoo kalena hab-xisaabeedkeedi bilaha qaar waxa lagu sheegay in Macalinka loo kala diray laba jeer, iyadoo bilaha qarna loo dirayey qadar lacageed oo dhan 7 Dolar, 3 Doral iyo 152 Dolar iyo wax la hal maala.
Hadaba waxa isweydiin mudan Qaabka silica ah, ayuu mushaharada macalimiinta u siiyaa dugsiga 100ka kun ee Arday dhigtaan, warqadan lasoo Bandhigay waa dhacdo kaloo fadeexad ah, waana mid lasoo malmaluuqay oo lagu duudsiyeyo xaqa Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured