"Waxaa ii Muuqanaysa inay Dad badan Guusha Somaliland ay Dhibayso". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Friday June 19, 2020 - 22:34:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaa ii Muuqanaysa inay Dad badan Guusha Somaliland ay Dhibayso". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    "Waxaa ii Muuqanaysa inay Dad badan Guusha Somaliland ay Dhibayso". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa ii Muuqanaysa inay Dad badan Guusha Somaliland ay Dhibayso". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
"Waxaa ii muuqanaysa inay dad badan guusha Somaliland ay dhibayso, kuwaasoo caado ka dhigtay inay garnaqsiga Somaliland ee xaqiiqada ku fadhiya, daciifiya amaba qaab liidnimo ah u dhiga , (waa nala laayey ayuun bay la taagan yihiin iyo Calaacal) waxay tani ka mid tahay marin - habaabin iyo dusmo lagu samaynaayo fal-dambiyeedyo dhacay, waxaa la rabaa in afka lagu yareeyo oo wax yar oo misqaala daratii ah laga dhigo, dal dhan iyo umad dhan oo la rogay dad iyo duunyoba, maxkamado ayey leedahay  aduunyadana ayaa xeerar ka leh, oo qiimaha ay leedahay taqaana,mana aha  Somaliland wax ay ka tanaasulayso eh kii u fadhiyeyba ka kac, waa gar ay ku naqsanayso gole kasta iyo goob kastaba, sida ta maanta oo kaleba.


Inanka ay la xun tahay inaan sheegto dhibka dadkayga ka soo gaadhay, wax wada lahaanshihii Somaliya na dhex maray, Ee ay la qurux badan tahay ninka gole yimi ee aan jid iyo Ceel mid la tegin  sida farmaajo xanuunkiisa magacii, waftiga Somaliland ka tegay shirka djabouti waxay ahaayeen rag waaya-araga oo aqoon yahano ah oo garanaya ogaana wixii wadanka ka dhacay, midnimada la sheegaa siday ku timi, siday ku burburtay iyo halkii wax waliba ka  qaloocdeen waxay ka odhan lahaayeena meel u taalay, halka ragga ka soo horjeedaana ay ahaayeen Qurba joog aan wax alle wax dhacay iyo wax laysku darsaday waxa burburay  midna war ka hayn, keliya xaalkoodu ahaa laba kelmadood walaalo ayeynu nahay  iyo midnimo macno kale oo ay wato lahayn kuwa ay ragga somaliland diratay ee noocaas ahaa ay la xumaayeen ee kuwa qolada koonfureed soo diratay ay aqoonyahanada iyo sharci- yaqaanada u ahaayeen, garnaqsiga cad ee Somaliland Sheegatay uu daciif ka la ahaa, ee guusha Somaliland ka soo raacday golaha u arkaaya inaan waxba la soo kordhin, ee xasuuqa somaliland soo gaadhay calaacal u yaqaan,ee dhalasho Somaliland ah leh in badan badan baan ku celceliyee garan waayey magaciisa iyo xanuunkiisa midna.
Waa bilahi Tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule 
Hargeysa/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured