Dhaqaalaha Muqdisho ka Hesho Hawada iyo Sida Aynu Qaybteena u Heli karno. Qore: Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
Saturday June 20, 2020 - 20:01:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaalaha Muqdisho ka Hesho Hawada iyo Sida Aynu Qaybteena u Heli karno. Qore: Cabdilaahi Axmed Caarshe

    Dhaqaalaha Muqdisho ka Hesho Hawada iyo Sida Aynu Qaybteena u Heli karno. Qore: Cabdilaahi Axmed Caarshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaalaha Muqdisho ka Hesho Hawada iyo Sida Aynu Qaybteena u Heli karno. Qore: Cabdilaahi Axmed Caarshe
Tan iyo markii ay Hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha hawada iyo shuruucda duulimaadyada ee loo yaqaano ICAO(international civil aviation organization), ay si sharci darro ah maamul ka hawada ugu wareejisey Muqdisho, waxaa jira dhaqaale badan oo maamulka Muqdisho ku helay maamulka hawada.

Waxaa magaalada Muqdisho loo raray xafiiskii Nairobi ee laga maamuli jirey hawada somaliland iyo Soomaliya, kaas oo la odhan jirey CACAS Project, ( CIVIL AVIATION CARETAKER AUTHORITY FOR SOMALIA), markii danbe loo bedelay FISS (FLIGHT INFORMATION SERVICE FOR SOMALIA).


Hadaba tan iyo waqtigaas maamulka hawada qaabka sharci-darrada ah loogu wareejiyey dowlada Muqdisho, waxaa jira dhaqaale gaar ah oo ay qaybtii somaliland ku jirto ay si toosa u qaataan, iyada oo arrintaas ay somaliland waqtigan uga furan tahay dood ay wax badan ku helayo, iyada oo ka duulaysa heshiishkii Istanbul ee dowlada somaliland iyo maamulka muqdisho ay qodabada muhiim ka ku wada saxeexdeen.
Bil kasta waxaa maamulka Muqdisho ku qaataa ama ay ku helaan maamulka hawada lacag dhan 3 million oo doolar, taas oo ay ku jirto qaybtii somaliland.

Hadaba iyada oo aynu wadahadalo kula jirno waqtigan Somaliya, waxaa muhiim in aynu dood adag ku soo dhacsano dhaqaaleheena marka dhowaan ay furmaan wadahadalada hawada oo ay ka shaqayn doonaan guddi labada dhinac ah. 
Waxaana hubaal ah in aynu lacagtaa heli karno kala badh, waayo duulimaadyada ugu badani waxay maraan hawada somaliland, (somaliland Air space).
Qore: Cabdilaahi Axmed Caarshe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured