Wasaarada Gaadiidku dadka dalka miyey nacsiinaysa ??. by:Barkhad-Ladiif M. Cumar

0
Sunday June 21, 2020 - 15:26:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Gaadiidku dadka dalka miyey nacsiinaysa ??. by:Barkhad-Ladiif M. Cumar

    Wasaarada Gaadiidku dadka dalka miyey nacsiinaysa ??. by:Barkhad-Ladiif M. Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Gaadiidku dadka dalka miyey nacsiinaysa ??. by:Barkhad-Ladiif M. Cumar
Tan iyo intii wasaarada Gaadiidka wasaarada gaar ah laga dhigay waxay dadka ku haysaa dhibaato ay meel ay ula kacaan aanay haysan, dadkii way yaaban yihiin, wax ay sameeyaan iyo cid u dhego nugul oo cabashadooda wax ka qabanaysa ma jirto.
Sanad walba lacag aanay fileen ayey dadkii Dirawada ahaa in laga qaado loogu fikirayaa, bilowgii aasaaskeeda waxay bilowday in gaadiidkii numbarka laga bedelo si ay u noqoto hay’ad dakhli soo saar, gaadiidkii numberkoodii baa la yidhi waa la bedelaya, waxaana qofkii ku bedelaya numbarka cusub lacag ka badan hal milyan oo Somaliland ah waa inuu bixiyaa, buuga iyo baleedhkaba hore dawladihii hore uga qaaday lacagtii hadana mar labaad baa buug iyo baleedh cusub laga iibinaya.
Mar kale waxa loo fikiray sidii gaadiidka lacag looga qaadi lahaa, waxa la yidhi liisamadii ay dawladihii hore bixin jirey waxba kama jiraan waa in liisan cusub la siiyaa, liisaanka dadku waa laba nooc mid waa buug midna waa laf, labadiiba waa la bedelayaa, waayo dakhli baa dawlada ugu jira.
Sanadkan waxa la bilaabay in dadkii laga ururiyo liisaanka, marka laga qaaday jidka ma mari karto liisaan la’aan, awal ninka liisanka haysta cashuur baa ku waajibtay, balse imika waa in liisaan cusub samaysataa oo aad bixisaa lacagtii aad hore u bixisay ee liiisaanka cusub laga qaado.
Qofka toban sanno loo cashuurayey liisaanka ee imika laga dhigay qof cusub oo hadda dalbanaya liisaan ee bixinaya sideetan dollar waa isku xaquuq qofkii liisaanka haystay iyo ka imika liisaan doona isku lacagna waa laga qaadaya.
Dadkii way yaaban yihiin, sanad walba waa loo fikirayaa sidii dadkan lacag cusub looga qaadi lahaa, waxa ay sameeyaan way garan laayihiin, waxa kaliya ee ay ku ciil baxayaan waa inay ka hadlaan warbahinta oo dadka kale u garaabaan.
Qof liisaan baabuur haysta oo dawladihii hore u sameeyaan sabab looga qaado oo loogu qasbo in liisan cusub loogu sameeyo maxay tahay, hadii liisan cusub loo samaynayo sabab lacagtii hore looga qaaday markii loo samayaneyy in mar labaad laga qaada miyeyna xaaraan ahayn  miseyna dhibaato iyo cadibadan ku hayn dadka.
Waxa kale oo imika soo socda in shirkado tayada baabuurta eegta lixdii biloodba mar la sameeyo, in qofkii waraqdaasi sita baabuurka loo cashuuro, oo waxa la isku xidhayaa waraaqda geerashkaasi iyo cashuurta dawladda waa qorshaha aan wali bilaabmin ee marka liisaanka la dhameeyo la damacsan yahay in la sameeyo.
Si kooban hadii aan u dhigo dhibaatada dadka haysta:
1. Baabuurka numbarka hore lahaa waa la bedelaya waxa lagugu bedelaya lacag dhan 110 dollar.
2. Liisankii aad sidatay waa la bedelaya, waxa lagugu bedelaya 80 dollar.
3. Warshada eegi doonta tayada baabuurka oo wali qiimihii la soo saarin oo ah culays kale oo dadkii ku soo kordhaya.
Intaas waxa dheer buuga imtixanka lagu gallayo waa laga iibinaya, waraaqda caafimaadka indhaha iyo nooca dhiigaaga waxa kooto loogu xidhay shirkad ku dhex leh xafiis wasaarada oo ka qaalisan lacagta cisbitaalka guud dadka ka qaadi jirey, lama ogola xiitaa in cisbitaalka guud waraaq caafimaadka ka qaadato.
Bal ka waran xukuumad kasta oo timaada haday waxba kama jiraan ka dhigto kuwii ka horeeyey liisaamadii ay bixiyeen, oo tidhaa liisaankii hore waxba kama jiraan, baleedhkii hore iyo numbarkii hore waxba kamaa jiraan, waxaas oo dhibi soo kuma dhacayaan dadkan darxumaysan ee nolosha la daalaa dhacaya.
Waa la arkaa in loo fikirayo shacabka ee yaanay inkaartoodda idin ku dhicin ee xukuumadda shacabkeeda ha u naxariisato.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured