Waa Kuma Suxufi Cabdisalaan Abu-hurayra. Qore Mustafe Abiib.

0
Monday June 22, 2020 - 17:43:47 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Suxufi Cabdisalaan Abu-hurayra. Qore Mustafe Abiib.

    Waa Kuma Suxufi Cabdisalaan Abu-hurayra. Qore Mustafe Abiib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma Suxufi Cabdisalaan Abu-hurayra. Qore Mustafe Abiib.
Abu-Hurayra waa Cabdisalaam Cismaan Cumar, oo ah muwaadin reer Soomaaliland ah, kuna dhashay, kuna barbaaray Magaaladda Hargaysa, waa dadka faro-ku-tirska ah ee aan waligood dhinac u dhaafin Waddanka.
Cabdisalaam Abu-Hurayra, waa halgamaa, hiiliye, iyo hallaadiye ku sifoobay inuu wadankiisa ugu hiiliyo ama ugu halgamo xirfadiisa Warenimo. Dabayaaqadii 2005-tii ayuu si ugub ah ugu biiray saxaafada, taa oo uu ahaa dadkii wax kuqori jiray saxaafada online ka ah, website-yada. Halkaa oo uu mihnaddisa saxafinimo ka soo bilaabmatay.


Horaantii 2008-dii wuxuu noqday wariyeyaasha ugu tunka wayn shabakadda caalimigga ah ee Hadhwaanaagnews, taas oo uu ilaa 2015-kii ka hawl-galayay.

Cabdisalaam Abu-Hurayra, kumuu ekayn saxafi, islam markaana wuxuu ahaa ganacsade, sama-fale in badan oo dhiban oo reer Soomaaliland ah oo wadanka ku dhiban u gargaaray, (gar-gaare waa allee), hadday noqoto dhaqaale lagu taageero ama guryo loo dhiso masaakiinta. Isla markaana wuxuu kaloo ahaa muwaadin si mugg iyo miisan leh u tabiya warwarka; gaar ahaan kuwa Soomaaliland.

Cabdisalaam Abu-Hurayra, wuxuu ka mid noqday wariyashii loo doortay sannadada qar kuwii ugu wanaagsanaa, ugu tabinta fiincaa, ugu mugga waynaa waa xagga online kee; taas oo uu ku guulaytay abaal-marino farabadan sida ku cad sawirka sare.

Cabdisalaam Abu-Hurayra, waxaynu ku tilmaanay inuu ahaa sama-fale u gar-garaara agoonta, dan-yarta iyo masaakiinta jilicda san, taas oo uu caan ku ahaa, in badana culimadda wadanka arinkaa tabarucaadka ka wada shaqeeyeen sidaa SHeekh Aad Maxamuud Xiiray (Aaadan Siiro). Luguna maamuusay abaal marino badan.
Cabdisalaam Abu-Hurayra, sidaan soo sheegnay muu ahayn Saxafi kaliya, waa ganacsadde ka mid ah Ganacsatada Qalabka-dhiska ee magaaladda Hargaysa, taas oo uu lahaa Bakhaaro ku yaalay xaafadda Jig-jiga yar ee magaaladda Hargaysa.
 Fadlan la soco qaybaha inoo hadhay iyo wax-qabad yadda aynu soo sheegay, mahadsanid.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured