Dad badan ayaa i waydiiya Siciid Maxamuud Gahayr ma sharci yaqaan baa. Waa maxay danta ugu jirta in uu maalin walba u hadlo qof la xidhay. W/Q Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela.

0
Tuesday June 23, 2020 - 00:28:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad badan ayaa i waydiiya Siciid Maxamuud Gahayr ma sharci yaqaan baa. Waa maxay danta ugu jirta in uu maalin walba u hadlo qof la xidhay. W/Q Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela.

    Dad badan ayaa i waydiiya Siciid Maxamuud Gahayr ma sharci yaqaan baa. Waa maxay danta ugu jirta in uu maalin walba u hadlo qof la xidhay. W/Q Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa i waydiiya Siciid Maxamuud Gahayr ma sharci yaqaan baa. Waa maxay danta ugu jirta in uu maalin walba u hadlo qof la xidhay. W/Q Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela.
Horta siciid maaha sharci yaqaan. Mana jirto dan shakhsi ah oo uu ka hadalka dadka dulman uu ka dheefaa. Balse aan idiin yara iftiimiyee Siciid waxa uu waayo arag u yahay xabsiyada iyo garsoorka Somaliland waxa ka dhex jira.
Siciid ra'yigiisa oo uu cabiray iyo arin aanu shaqo ku lahayn ba waxa loo xidhay tiraba ilaa lix jeer. Waxaanu waayo arag u noqday oo uu soo arkay waayaha ka jira saldhigyada Somaliland.dhawr jeer ayuu na inooga waramay. Waxaanu qaarkood inoo sheegay in aanay lahayn suuliyo nadiifa oo qofka la xidhaa uu galo ee qaarkood ay saxaradu dibada taalo. Sidoo kale in aan saldhigyada qaar maxaabiista aan loo ogolaan in ay is nadiifiyaan oo ay maydhaan.
Mudadii uu ugu xadhiga dheeraana waxa la xidhay 2016 oo uu xidhnaa mudo 88 cisho ah. Xilligaas oo aan looyar u ahaan waxaa ka mid ah waayahii adkaa ee saldhigyada ka soo maray in marar badan isagoo macaan leh loo diiday in ehelkiisu soo booqdaan iyo in loo keeno dawadii macaanka oo uu si joogto ah u qaadan jiray.
Sidaasi  dareed isagoo waayahaasi adag ee uu soo maray ka duulaaya,  waxa uu si buuxda u yaqiinsaday in qofka reer somaliland ee arimo siyaasadeed loo xidho ay adag tahay in uu cadaalad helaa. Waxaanu Markaa isu xilqaamay  in qof kasta oo arimo siyaasadeed loo xidho uu ka wardoono. Waxii cadaalad daro ah ee uu arkana uu shacabka somaliland iyo dunida ba u sheego.Gaar ahaan hay'adaha xuquuqda aadamaha u dooda.
Runtiina waa arin aan aad ugu amaanaayo. Dunida hay'adaha waa weyn ee xuquuqda aadamaha u dooda qaarkood waxa sameeyay dad iyaga hore tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah loogu sameeyay. Sida jidh dil ama xadhig sharci daro ah.
W/Q Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured