"Xoghayaha Waddani, Bulshada Somaliland kama Qaldana farxadooduye ,Adiga ayey Cidad Farxada la Wadaagi lahayd ka khaldan Tahay".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Tuesday June 23, 2020 - 15:44:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xoghayaha Waddani, Bulshada Somaliland kama Qaldana farxadooduye ,Adiga ayey Cidad Farxada la Wadaagi lahayd ka khaldan Tahay".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    "Xoghayaha Waddani, Bulshada Somaliland kama Qaldana farxadooduye ,Adiga ayey Cidad Farxada la Wadaagi lahayd ka khaldan Tahay".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xoghayaha Waddani, Bulshada Somaliland kama Qaldana farxadooduye ,Adiga ayey Cidad Farxada la Wadaagi lahayd ka khaldan Tahay".Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
Hargeysa(Xogreebnews)-Waxan halkan dhawr kelmedood aan odhanayaa hadalka ka soo yeedhay xog'hayaha Xisbiga wadani, waxaan odhan karayaa wuxuu kow ka yahay kuwo badan inala wadaaga lahaanshaha wadanka Ee ay cadhada iyo Calool xumada ku abuurto wax kasta  oo Dareenka Bulshada Somaliland ka turjumaya ee farxad -geliya, wuxuu la farxaa lana dhacsan yahay  kuwo aynaan isku farxad ahayn,
 waxaad Xasuusan tihiin khudbad shabahda Tan maantoo kale, oo uu jeediyey Doorkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Tegay  Dalka GINI CONCARY, Taasoo ahayd Fursad Guul Siyaasadeed ah Oo wadanka u Soo hoyatay, dhabar-jabna  ku ahayd codowga Somaliland badheedhna ay uga dagaal galeen si aan qarsi lahayn, Maalintaas Bulshada Somaliland waxay u arkayeen Dareenkii ay qabeen oo xukumadu ku talaabsatay Waxayna Si aan kala hadh lahayn u Soo dhaweeyeen Madaxdii Somaliland ee Booqatay Dalka Gini, Xog'hayahu wuxuu Qudbadiisa ku jeedinayey Dareen Cadho leh, isagoo dhaleecayn u soo jeediyey Dalkii ina Soo  ee godobta siyaasadeed  inoo galay iyo Waftigii  Somalilandba, wuxuu ahaa Masuulka qudha ka Xumaa warkaa farxada leh.
Maantana waxaan arkaayaa isagoo is qarsan kari waayey oo halkiisii maray, (gaadhi dul go ,an baa la fuulay iyo Gacmahaa la ruxay leh)  Shirkan Djabouti waxay ahayd fursad Guul siyaasadeed ahayd oo aynu helnay  Cadhana ku abuurtay cid kasta oo aan inala dareen ahayn, Manay ahayn wax qarsoonaaye, wixii lays yidhina online bay ahaayeen, wixii ka soo baxayna Cadaan bay ahaayeen, cida guushu ku raacdayna cid waliba way ka marag furaysaa xataa Somaliyada wax garadka ahi, Somalilandnimadu Sidiisaba waa Dareen Bulshada ka yimi Cid kasta oo ku hadasha Dareenka bulshadana bulshadu waxay ku Soo dhawaynaysaa dareen farxadeed, Waxayse Nasiib-daradu tahay Masuulkan ay qalbi jabka ku tahay Talaabo kastoo Guul Somaliland u ahi, Waxaan kula talin lahaa qaar horeba way inaga Maqan yihiine Dareenka aad Murtaaxa ku tahay inaad la Dabaal-degtaa kuu Haboonayd, intii wax aanad Qarsan karayni quluubtaada ka soo burqan lahaayeen,  Kama qaldana Bulshada Somaliland halka uu ku jiro Dareenkooda Farxaduye, adigay kaa qaldan tahaye Waxaa kugu haboon inaad la faraxdo Cida dareenkaaga farxadu ku jiro.
 waana  loo joogiye wixii aan dhimane, Ninka waalanayaa Foori buu sii Tumaaye, Xog'hayuhu wuxuu u eg yahay  boos ka  xaadh-xaadhayaa meel kale aan dhawro.
Waa bilahi Tawfiiq.
Kayd Cabdilahi Xandule 
Hargeysa/Somaliland 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured