War-murtiyeedka laga soo saaray Jabuuti, waxa ku jira saddex qodob oo ay muhiim tahay in si fiiican loo fahmo, laguna eego indho caafimaad qaba, waxayna kala yihiin; Bye Suxufi Maxamed Cirro

0
Tuesday June 23, 2020 - 15:54:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-murtiyeedka laga soo saaray Jabuuti, waxa ku jira saddex qodob oo ay muhiim tahay in si fiiican loo fahmo, laguna eego indho caafimaad qaba, waxayna kala yihiin; Bye Suxufi Maxamed Cirro

    War-murtiyeedka laga soo saaray Jabuuti, waxa ku jira saddex qodob oo ay muhiim tahay in si fiiican loo fahmo, laguna eego indho caafimaad qaba, waxayna kala yihiin; Bye Suxufi Maxamed Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-murtiyeedka laga soo saaray Jabuuti, waxa ku jira saddex qodob oo ay muhiim tahay in si fiiican loo fahmo, laguna eego indho caafimaad qaba, waxayna kala yihiin; Bye Suxufi Maxamed Cirro
1. Qodobka ah in aan la siyaasadayn arrimaha gargaarka bani'aanimo iyo mucaawimooyinka lagu soo bixiyo magaca Soomaaliya, iyadoo qodobkaasi waajibinayo in Somaliland ay mar walba saamigeeda ka hesho deeqahaas caalamku bixiyo. Waxa jira dad ku doodaya in qodobkan laga saaray arrinta maalgashiga caalamiga ah. Maalgashigu kuma jiro deeqaha iyo gargaarka bani'aadanimo ee dalalku cid kale ku caawiyaan, balse waa mid ku xidhan dano dhaqaale oo ka dhexeeya laba dhinac oo heshiis wada gaadhay, markaa khalad ayey Somaliland ku ahaan lahayd haddii ay heshiiska Jabuuti ku dari lahayd in aan la siyaasadayn maalgashiga, sababtoo ah Somaliland xor ayey u tahay cidda maalgashanaysa, dowlad, shirkad ama ganactado maalqabeenno ahba, taasna waxa daliil u ah maalgashiga DP WORLD iyo dhismaha Berbera corridor oo si xor ah uga fulay Somaliland, heshiiskaasna marna dowladda Soomaaliya raali kamay noqon, kamana aha ilaa hadda, markaa sidaa ha loo fahmo in maalgashigu ka madaxbannaan yahay   arrimaha gargaarka bani'aadanimo iyo caawimada dibadeed.
2. Qodobka labaad ee ah; "wada-maamulka hawada Somaliland (Somaliland airspace) ee ku soo baxay war-murtiyeedka, qodobkaasi waa u muhiim Somaliland, inkasta oo Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir sheegay in khalad madbici ah ku jiro qoraalkaas, haddana anigu si kale ayaan u fahmay, taasoo ah in shirka Jabuuti aqoonsaday inay jiraan laba hawo-duulimaad (two separate air spaces) oo kala madaxbannaan, taasoo ah inay labadaas hawo (the two air spaces) ay kala leeyihiin xuduud cayiman, waana qayb ka mid ah in si gaar ah loo aqoonsaday hawada Somaliland oo ka madaxbannaan Soomaaliya, sababtoo ah Qaramada Midoobay, shuruucda caalamiga ah ee duulimaadyada ama heshiisyada caalamka (international conventions) waxay aqoonsan yihiin hawo-duulimaad qudha oo ah hawada sare ee Soomaaliya (including Somaliland), maadaama caalamku sidaa aqoonsan yahayna waxa guul ah in Jabuuti si dadban loogu kala saaray labada hawo ee Somaliland Somaliland iyo Soomaaliya. Qodobkaas ah "Somaliland airspace" waxa uu la mid yahay uun qodobkii kale ee ahaa; "between the two countries). Reer Somaliland sidaas ha u fahmaan.
3. Dalka Somaliland iyo shuruucdiisuba waxay diidan yihiin, ilaa haddana aanay ogolayn isu socodka arrimaha khuseeya siyaasadda, amniga qaranka iyo wax kasta oo lid ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Markaa qodobka isdhexgalka ka hadlaya ee si gaar ah loo tilmaamay, arrimaha ganacsiga, ciyaaraha, waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo dadweynuhu marka horeba mamnuuc muu ahayn oo way isku furnaayeen, waana la isu socon jiray, mid qudha ayaa ku cusub  horena aan u jirin oo ah arrinta khusaysa ciyaaraha  taasna haddii aanay lid ku ahayn qarannimada Somaliland waa la ogolaaday, wax ceeb ahna kuma jirto, laakiin waxa dambi ah, mamnuucna ah in arrimahaas qudhooda looga faa'iidaysto siyaasad, haddii ay siyaasad soo gashana waa dambi, taasna Somaliland iyo Soomaaliya midna ma ogolaanayaan, markaa qodobkaasina wax cusub ma gudbinayo.
Waxyaabaha kale ee Somaliland guusha u ah waxa ka mid ah in la wada fuliyey dhammaanba  shuruudaha ay Somaliland hore ugu xidhay wadahadalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la helo madal dhexdhexaad ah oo lagu kulmo, waana qodobka meesha ka saaray Turkiga, in la helo ergo ka socota  beesha caalamka oo dhexdhexaadisa Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo ay mar walba Soomaaliya diidanaan jirtayna hadda waa la hirgeliyey, balse waxa kaloo muhiim ah in wadahadalkka dhexdhexaadinta ah ay hadda bilaw yihiin, dibna la isugu noqonayo marar kale oo badan, waxaana loo baahan yahay in dadweynuhu mar walba heegan u ahaadaan sidii ay isha ugu hayn lahaayeen wadahadalkaas, iyadoo ay suurtogal tahay in aakhirka lagu heshiiyo in Somaliland laga qaado afti caalamku markhaati ka yahay oo lagu go'aamin karo madaxbannaanida rasmiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured