MURUQA LABA SUUL NINBA SI KU AH. Qalinkii: Maxamed Gacayte.

0
Tuesday June 23, 2020 - 22:54:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MURUQA LABA SUUL NINBA SI KU AH. Qalinkii: Maxamed Gacayte.

    Arintan wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee ka furmay Djibouti goobjoogna ay ka ahaayeen beesha caalamku waa bilawga kala taga Somaliland iyo Somalia oo aakhirka ku danbayn doonta afti dadweyne (Referendum) anigoo ku kalsoon mawqifka cad ee shacab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arintan wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee ka furmay Djibouti goobjoogna ay ka ahaayeen beesha caalamku waa bilawga kala taga Somaliland iyo Somalia oo aakhirka ku danbayn doonta afti dadweyne (Referendum) anigoo ku kalsoon mawqifka cad ee shacabka Somaliland ka taagan yahiin inay noqdaan qaran ka mida qaramada aduunka.
Waxaad shar moodo oo khayr kuu leh ayaa jira, anigu wadahadalada Djibouti uga furmay Somaliland iyo Somalia ee caalamka goobjoog ka yahay iyo qodobada kasoo baxayba waan soo dhowaynaya in Somaliland mar uun hesho fagaare caalamiya oo ay garteeda kusoo bandhigto. Hadaan yar dul istaago qodobka aadka loo hadal hayo ee isdhexgalka oo horeba u jiray marka laga reebo arrimaha khuseeya siyaasadda, amniga qaranka iyo wax kasta oo lid ku ah qarannimada Jamh. Somaliland. 
Aragti ahaan qodobkaas waxan u arkaa baraarujin iyo inaynu baylahdeena garano oo fadhiga ka kacno sidii aynu uga shaqayn lahayn wadajirka iyo midnimada shacabkeena, waayo kala daadsanaan kasta iyo furfurka gudaheena ku yimaada wuxuu fursad siinayaa cid kasta oo diidan nabada iyo horumarka ay shacabka reer Somaliland iyo dawlada ay dhisteen ku naaloonayso. Waxaan qabqaa isdhexgal kasta oo la sameeya ma liican karo tiirarka qaranimada iyo jiritaanka Somaliland waxay ku timid rabitaanka shacabka oo gartay inay saxaan khalad ay lixdankii galeen oo ahayd baadidoon midnimo shan soomaaliyeed oo hoog iyo hagardaamo uun ay ka dhaxleen, taa badalkeedana ay go'aansadeen inay
dib ula soo noqdaan madaxbanaanidii iyo sharafkoodii iyagoo xor ah oo cid khasabtay aanay jirin. 
Hadaba Arintan wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee ka furmay Djibouti goobjoogna ay ka ahaayeen beesha caalamku waa bilawga kala taga  Somaliland iyo Somalia oo aakhirka ku danbayn doonta afti dadweyne (Referendum) anigoo ku kalsoon mawqifka cad ee shacabka Somaliland ka taagan yahiin inay noqdaan qaran ka mida qaramada aduunka. Sidaasi oo ay tahay inta wadahadalku socdo warmurtiyeed kasta oo shirka laga soo saaro waa mid hareeraha laga taagan yahay, cidii isku dayda wax ka duwan waxa laysla qaatay ama uga faa'iidaysata dano siyaasadeed waxa ka dhalanaya danbi cidii ku kacdaana waxay jabisay wixii lagu heshiiyay oo labada dhinac midna ma ogolaan karo.
Ugu danbayn xukuumada Madaxweyne Biixi waxan usoo jeedinayaa inay ka shaqayso isku haynta iyo adkaynta wadajirka umada Reer Somaliland oo cadaalad ku maamusho, cid kasta oo wax tabanaysa la daweeyo oo wadatashi iyo iskutanaasul lagu wado hawlaha Qaranka. Shacabkana waxan leeyahay rabitankiina ayay Somaliland ku dhisan tahay nina kuma kaco waxaydaan idinku raali ka ahayn, isku duubnaada dawladiina la shaqeeya si dhangagaalahu meel uu ku gabado u waayo. Mar walba inaad dareenkiina muujisaan way fiican tahay lkn waa inaan cadowgu inaga faaiidaysan oo aynu meel uga soo wada jeedsana shakhsiyadka danta leh ee raba inay bulshada shaki ku abuuraan. 
GUUL IYO GOBONIMO. 
Wabilaahi tawfiiq. 
Qalinkii: Maxamed Gacayte
Gacayte09@gmail.com
Hargeisa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured