Umalaymaayo Inuu Madaxwayne Muuse Biixi uu Ogolaandoono in Somaliland Gudaheeda lagaga ololeeyo Waxyaabo Lagu Duminayo Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland. Cabdisalaan xariir

0
Wednesday June 24, 2020 - 14:24:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Umalaymaayo Inuu Madaxwayne Muuse Biixi uu Ogolaandoono in Somaliland Gudaheeda lagaga ololeeyo Waxyaabo Lagu Duminayo Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland. Cabdisalaan xariir

    Umalaymaayo Inuu Madaxwayne Muuse Biixi uu Ogolaandoono in Somaliland Gudaheeda lagaga ololeeyo Waxyaabo Lagu Duminayo Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland. Cabdisalaan xariir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umalaymaayo Inuu Madaxwayne Muuse Biixi uu Ogolaandoono in Somaliland Gudaheeda lagaga ololeeyo Waxyaabo Lagu Duminayo Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland. Cabdisalaan xariir
Maanta isu sheegimayno dhibaatadii faraha badnayd iyo halgankii qadhaadha ee faraha lagaga gubatay ee dhaqdhaaqii xaq udirikii SNM ay horseedka ka ahayeen iyagoo haysta tageerada shacbiga somaliland , ee markaa hoos joogay xukunkii dawladii Siyaad Barre ee gayigan ku amar ku taaglayn jirtay ee ay dagaalyahankii SNM Dagaalka hubaysan kala horyimadeen kaasi oo galaaftay nafaha kumanaan udhashay dalkan Jsl oo dhiigooda waraabiyey si ay dadkoodu xoriyad ugu nooladaan kumanaan kalena ki naafoobeen , hanti iyo maal badanina ku burburay .
Intii kasoo doogtay dagaalkiina ay wajaheen duruufo iyo waayo qalafsan taasi oo ugu dhabar adaygaayeen bal inay maruun gaadhaan xoriyada iyo madaxbanaani kaga baxaan gumaysiga, kadib markii ay luntay xoriyadoodii ka qaateen dawladii ingriiska 26 june 1960kii.


Riyaadaasi waxay rumayday 18 may 1991kii markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay xoriyada iyo madaxbanaanida somaliland mudo haatan cagagaynaysa 30 sanadood .

Tan iyo intii dawladnimada aynu lasoo noqotay wadanku waxaa soo maray waayo marxlado kala duwan waxaana hogaanka usoo qabtay shan madaxwayne oo uu ugu danbeeyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi , kassi oo mid waliba xiligiisi kala soo dabaashay duruufo siyaasadeed iyo waayo kala duwan oo mid waliba wakhtigiisa lahaa .

Hadaynu kusoo dhawaano dulucda qoraalkaygan , dawladii kulmiye ee madaxda ka ahaa Madaxwayne Siilanyo ayey ahayd ciidii ugu horaysay ee ooda ka rogtay in wadahadalo lala yeesho Somaliya taasi oo dhawr shir oo laysugu yimi meelo kala duwan ka dhacay aanay wax midho dhal ah kasoo bixin dadkuna ay saluugsanayeen sida ay wax usocdaan tan iyo bilowgii wadahadalada .

Hadba wadahadlkii ugu danbeeyey ee wadayeesheen Somaliland Iyo Somaliya ee dhacay dalka Jabuuti ee ay ka qaybgaleen waftigii uu hogaaminayey Madaxwayne Muuse biixi Cabdi oo ay dadku markii hore aad uga dhagtaageen kadib markii waftigu si deg deg ah ugu kicitameen jabuuti iyagoo ka warwar qaba in waftiga jar looga talaabsado lana afduubo madaxbanaanida iyo qadiyada Jsl ayaa , ayey hadna waftigu guulwayn kasoo hooyeen kadib markii ay gole loo dhanyahay kaga garnaqsadeen qadiyada somaliland iyo taariikhdii wadanki lahaa laga 1960kii iyo waliba dareenka iyo rabitaanka shacabka somaliland taasi oo mar kaliya bedeshay dareenkii madasha shirka oo somaliya soo qabanqaabsatay isla markaana doonaysay in Somaliland qoorta loo soo qabto , caalamkuna waxaa uu soo jeediyey in lakala garqaato wadahadaladu sii socdaan iyaguna ay dhex ka noqondoonaan taasi oo noqotay guulwayn ee waftigu kasoo hooyeen shirqookii ay soo maleegaysay somaliya ,arintani ayaa waxay keentay inuu dareenka shacabku cirka isku shareero Madaxwayne Biixina waxaa umuuqday mar kale halyey qaran waftigiisa waxaa lagu tilmaamay waftigii ugu daacadsanaa ee xanbaara qadiyada Somaliland tan iyo intii ay soo socdeen wadahadalada labada dhinaca .

Soo dhawayntii waftiga madaxwaynuhu waxay dhabar jab ku ahayd dawlada farmaajo cid kasta oo cadow ku ah Somaliland, waxayna ka turjumaysay sidii dadku ugu qanacsan yihiin madaxbanaanid iyo xoriyada dalkan Jsl .
Waxaa kale jirta iyadoo arintu halkaa taagan tahay ayaa waxaa soo baxay dhawaaqyo dadku ay aad uga biyodiideen oo sheegaya inay somaliland ogolaatay in lays dhexgalo somaliya oo ay ciyaartooydu iman karaan dadkoodu iman karaan isusocokuna sahlaanan karo taasi oo hadii dhacdo aanay jirin wax ka mamnuucay inay siyaasiintooduna yimaadaan oo halkan lagaga ololeeyo in laga noqdo qadiyada iyo madaxbanaanida Somaliland iyadoo ay wakhtigan jiraan dawlado fara badan oo dhaqaale iyo maaliyada ku bixiya midnimada somaliya oo dawlada farmaajo caalamka kaga mashruucsato .

Gabgabada waxaan madaxwayne biixi usoo jeedin lahaa inaanu marnaba aqabalin inay somaliya ina soo dhexgasho kana taxadiro wax kasta oo madmadow galiya qadiyada iyo jiritaanka Somaliland , isla markaana uu meel adag iska taago cid kasta oo isku dayda inay ka shaqeeyaan wax kasta lagu wiiqayo xoriyada madaxbanaanida wadanka oo aanay cid ugu xogogaalsani jirin wixii dhibaato iyo baaba loo soomaray Somaliland .
Dadkuna waxay isha ku hayaan talaabada tan ku xigta ee ay qaado xukuumada aad hogaaminaysa .
Wabilaahi tawafiiq
Cabdisalaan xariir 
cabdisalaan446@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured