Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

0
Saturday June 27, 2020 - 01:32:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen
Hargeysa(Xogreebnews)-Taar: 27/06/2020Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.
 


Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u  rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.
Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured