Xamaray meel lagu hangoobiyo hooygii la eeday

0
Saturday June 27, 2020 - 13:26:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamaray meel lagu hangoobiyo hooygii la eeday

    Farmajo: waaba adeerkii Afweyne oo aan biyo is marin: waa ninkii tiiyoo dagaaladii ugu xumaa oo ka socdaan dhammaan inta ay degaan dadka reer sheikh Isaxaaq oo dhaawacii askartiisii dhiig-miiradka ahayd ee loo qaadayey xamar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmajo: waaba adeerkii Afweyne oo aan biyo is marin: waa ninkii tiiyoo dagaaladii ugu xumaa oo ka socdaan dhammaan inta ay degaan dadka reer sheikh Isaxaaq oo dhaawacii askartiisii dhiig-miiradka ahayd ee loo qaadayey xamar
Farmajo: waaba adeerkii Afweyne oo aan biyo is marin: 
waa ninkii tiiyoo dagaaladii ugu xumaa oo ka socdaan dhammaan inta ay degaan dadka reer sheikh Isaxaaq oo dhaawacii askartiisii dhiig-miiradka ahayd ee loo qaadayey xamar meel la kala dhigo la waayey, odhan jiray Hargeisa iyo burco ayaa kubbad wada ciyaarayaa.
farmajona waxa uu been ka sheegayaa tan jabouti ee raadkeedii sii qoyan yahay.
waxan ku leeyahay adiga iyo nimakii Xamar aad kala timid, markii uu garnaqsigiisii golihii markhaatiga lahaa ka jeediyey madaxweynaha Jamhuridda somalilnad mudane Muse-Aar, magaciisa iyo muuqiisaba allah ha raajiyee, waataad argagaxa qaaddeen adiga iyo afartii  kula socday.
 goob-joogayaashii "United nations” OAU Africa, safiirkii dabada kaa riixayey, Abygii ku hor carayey, Europiankii, Ina geelihii Ismaciil oo inuu xagliyaa ay caado u ahayd, dhammaan dhagaysigii doodadii qarnaqsiga ee xalaasha ahaa miyaan galowgu dhiillaamin, dhegahana yaab la wada taagin, ma hadal baa meesha idiin yaala,
waxaad maalinta 26 june ugu dabaal-degtaa sow maaha nacasnimo. siyaasad kuu noqon mayso inaad ammaan aan loo baahnayn soo jeedisaa. Somaliland way socotay ILAAHAY BAANA GARAB GALAY.
Muslimnimo nimaan kuu qirayn muumino khaas ah  gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama(A.J.H.)
Xamaray, waxan saatir kuu qorin u suul-dhabaalayn, in salaaddu weligeed kala tahay sunniyo faral u ogow sax iyo maan
 goormaad dadka Somaliland iyo madaxweyeheeda walaalo noqoteen, cadaw baynu nahay hadaanad ogayn. midnimada aad ku hadaaqdaan, iyo somaliweynta aad sheegtaan waatii dhimatay ee aabbaheed goblamay lixdankii, meeday jabuuti, NFD iyo dadka deegaanka somalida Ethiopia.
Somaliland kuwaa ayey  kuula siman tahay, adiga iyo wasiiradaadu laba file baad kala sidataan, waayo waxan la yaabay mid  maalin dhaweyd aror hore mediaha wax ku soo qorqoray oo cuna-qabateyn uun laga raacay, maanta waxa uu ka hadlaayey dekedda berbera ee Somaliland, iyo shaqada duwaliga ah ee imaraatka iyo jamhuuridda Somaliland ka dhexaysa, wax taaga ah haddaad u hayso waxba ha iskula hadhin, iska hadlow ina igarre, hortaa jireba waa.
Sasabada dhallaankee suul-cayn iyo dhegdheerlee markaan qaydka sidaniyo seban layna bari jiray ma run baa salkeedii mise sebiga uun baa lagu seexin jiay waa. (Qays)
Waar ma carruur baa la sasabayaa, waxa uu ku hadaaqay waa caqliga foorara garashadiisa iyo inta ay gaadhi karto, wax taarikh ah oo ay ka hayaan adduunkii rogmaday ma jirto
Ma maanta ayaad walaal iyo Somali ka hadlaysaa, waanu walaalo nahay inta Somaliland ah iyo inta kale ee aanu nabad-wedaaga leenahay Somali.
Waxba hay maslaxan waa horaan maanka jaraye.
Ali samater oo Hoggaminayey
xasuuqii, dhiig-miiradkii, umula-dooxii, burburintii een waxba loola hadhin Somaliland markii morgan (Abdi-bile) cagaha wax ka deyey, taliye hiisii oo afweyne ka amer qaataa, wuxuu amar ku bixiyey in magaalooyinka  Somaliland iyo miyigaba gaar ahaan inta ay deggaan dadka reer sheikh Isaxaaq, in guri guri, seked seked, to house to house, dhulka lamala simo, oo nooc kast oo hubku leeyahay aan loo meel deyin. Waanay dhacday cadawtinimaas,si baaxad leh.
Hadaladiisii waxa ka mid  ahaa Wareysigii BBC English; I was the highest ranking ordered to bumb Hargeisa.
Kuwan joogaana kaba sii caqli liitee, waa hadhaagii, iyo aarankii ubaxii kacaanka oo ka madhan milgihii dawladnimo.
Waa eeladii ayaxii tegay;
Ayax degey hadduu meel ka kaco eelo kugu reebyeh, wuxu aasay waagii beryey ogax-dillacaane (A. banfas)
Bal inay wax dareeman:
Kuwa nabadda inay doonayaamn dunida gaadhsiiyey,
dar kaloon aqoon bay wiglada ula dan leeyiine
 midhaa daado iigama fadhiyin dib u heshiisiine,
Israaiila (Isra’el) waa loo dalbaday dabar go’aygiiye,
 Dab wax guba, dabaabad, iyo jiib(jeeb)doobta ka higgooda,
wixiiyoo diyaaradu onkoda nala dul gowdhiidhshay,
Intay dawlad tamarteedu tahay waa la ii duraye
Sidii duur la gubay bay khalqiga qaraf ku daareene,
Nina iima diir nixin markaan daalanaa shalaye,
Anigaa daruuraha u koray roobkan ii da’aye,
dhulka cidi ma daaqdeen siday damacsanaayeene,
Rabbi doobirtii iyo rag baa laga doogaaye. ( Abw. Gaarriye)
Hadal isagaa iska badane waxaan maanta ku soo koobyaa intaa iyo ereyadan( Abu hadre)
Gebogabo rag lagu keenay baa layga gadayaaye.
Dibjirkii gidaarrada hurddaa laysu soo guraye.
Geshigayga way dhaqan yihiin gaasas qabay,
Weli guri dugsoon bay horddaan ganacyo-weyntiiye.
La soco haddii Allah ka dhigo.
Waa Q/ Mohamed Haji. A. (indha-cawl



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured