Wasiirka Waxbaraashada iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada oo Kormeer ku Tagay Dugsiga farsamada gacanta ee Magaalada Adhi-cadeeye...

0
Saturday June 27, 2020 - 17:03:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbaraashada iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada oo Kormeer ku Tagay Dugsiga farsamada gacanta ee Magaalada Adhi-cadeeye...

    Wasiirka Waxbaraashada iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada oo Kormeer ku Tagay Dugsiga farsamada gacanta ee Magaalada Adhi-cadeeye...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Waxbaraashada iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada oo Kormeer ku Tagay Dugsiga farsamada gacanta ee Magaalada Adhi-cadeeye...
Adhi-cadeeye(Xogreebnews)- Wasiirka Waxbaraashada iyo Sayniska Somaliland iyo la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa gaadhay Deegaanka Adhi-cadeeye ee oo ka Tirsan Gobolka Sool.
Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbaraashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye, iyo La-taliye Madaxweyne Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa Kormeer shaqo ku tagay dugsiga farsamada gacanta ee Adhicadeeye, oo ah Iskuul boarding ah oo arday deegaanka ahi ay xirfada kala duwan ku bartaan.
Xubnaha waftiga, ayaa Kormeer Kadib kulano la qaatay Odayaasha, Aqoonyahanka iyo dhalinyarada Deegaanka Adhi-cadeeye, sidaasna waxa bartiisa Facebook ku baahiyey La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada Md Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxanu u dhigan yahay qoraalkiisu sidan.
"Maanta waxaanu kormeer ku tagnay aniga iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Saynisku, dugsiga farsamada gacanta ee Adhicadeeye, oo ah Iskuul boarding ah oo arday deegaanka ahi ay xirfada kala duwan ku bartaan.
Warbixin  ayaanu halkaa  kaga qaadanay maamulka iskuulka iyo odhayaasha Reer Adhicadeeye.
Safe technical institute wuxuu ka mid tahay dugsiyada faraku tiriska ah ee farsamada laga barto ee dalka ku yaal.
Ardaydii waxay weli ku jiraan fasaxii xanuunka COVID 19.
Kormeerka  ka dib kulan gaar ah ayaan la qaatay, odayaasha iyo waxgaradka deegaanka".




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured