Hay'adaha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa mar walba ku waajib ah inay ixtiraamaan shuruucda iyo qarannimada dalka ay ka hawlgalaan. Bye Suxufi Maxamed Cirro.

0
Sunday June 28, 2020 - 01:47:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adaha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa mar walba ku waajib ah inay ixtiraamaan shuruucda iyo qarannimada dalka ay ka hawlgalaan. Bye Suxufi Maxamed Cirro.

    Hay'adaha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa mar walba ku waajib ah inay ixtiraamaan shuruucda iyo qarannimada dalka ay ka hawlgalaan. Bye Suxufi Maxamed Cirro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa mar walba ku waajib ah inay ixtiraamaan shuruucda iyo qarannimada dalka ay ka hawlgalaan. Bye Suxufi Maxamed Cirro.
Hay'adaha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa mar walba ku waajib ah inay ixtiraamaan shuruucda iyo qarannimada dalka ay ka hawlgalaan ama xarumaha ku leeyihiin, halka sidoo kale ay waajib ku tabay inay xurmeeyàan shucuurta, damiirka, quluubta, qiyamka guud iyo rabitaanka muwaadiniinta iska leh dalka ay ka hawlgelayaan warbaahintu (social values and social morality). Haddii ay intaasba ixtiraamaan waa dambi in dowladdu ku samayso wax farogelin ah siyaasadeed ah ama lagula kaco xadhig iyo xayiraad sharci-darro ah, haddii dowladdu tallaabooyin gef ah kula kacdana shacbiga ayaaba u hiilinaya hay'adda warbaahineed ee tacaddigu ku dhaco. Dastuurta Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka saxaafadduba waxa ay si buuxda u dammaanad-qaadeen madaxbannaanida saxaafadda, xoriyatul-qawlka iyo xaqa ra'yi dhiibashada oo ah in qofku xor ah u cabbirto rabitaankiisa, balse waxa kaloo dastuurka Somaliland iyo xeerarka kale ee dalkuba jideeyey dabar iyo meelo aan la dhaafi karin oo ah in aanay dadka muwaadiniinta ah, warbaahinta dowladdu leedahay iyo saxaafadda madaxbannaaniba xaq iyo awood u lahayn inay ra'yigooda kaga horyimaadaan ama ay gorgortan geliyaan, waxaana arrimahaas ka mid ah, uguna horeeya diinta islaamka, qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, cidda arrimahaas wax gef ah kula kacda ama ka hortimaadana waxa waajib ku ah dowladda iyo Hay'adaha sharci-fulinta inay tallaabo adag ka qaadaan, dadweynuhuna mar walba way ku taageerayaan arrintaas Xukuumadda, waxaana taas daliil u ah sida ay  aqlabiyadda bulshada Somaliland u soo dhawaysay, Xukuumaddana ugu ammaanayso go'aanka lagu xayiray telefiishanka Universal TV, iyadoo dadka mawduucan kaga faalooday baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-gu ay intooda badan soo dhaweeyeen in la xidho, dalkana laga mamnuuco Universal TV, iyagoo sidoo kale welina soo jeedinaya tallo ah in tallaabadaas oo kale laga qaado idaacadda BBC Somali. 
Bal waxa aan in yar halkan idiinku soo gudbinayaa sida ay bulshadu uga fal-celisay laba warbixinood oo BBC Somali ka samaysay xayiraadda Universal TV, waxaana labadaas warbixinood mid ka mid ah ka fal-celiyey in ka badan kun qof, kuwaasoo marka aad faaloyinkooda (comments) akhrido ay kuu soo baxayso sida ay in ka badan 90% u taageerayaan, una soo dhaweeyeen xayiraadda la saaray UNIVERSAL TV, kuwaasoo si weyn ula dhacsan jawaabta uu bixiyey Wasiirka Warfaafin Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, waxa kaloo ay in ka badan 60% soo jeedinayaan in sidoo kale tallaabo laga qaado Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo ay ku eedaynayaan in aanay ixtiraamin qarannimada Somaliland, halka sidoo kale qiyaas dhan ilaa 40% ay soo jeedinayaan in VOA Somali iyadana la xayiro. Fikirkan waxa gudbinaya waa dadweyne ka mid ah muwaadiniinta Somaliland oo dhibsaday sida ay warbaahinta qaarkood uga soo horjeedaan qaddiyadda madaxbannaanida dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland. BBC Somali waa inay ixtiraamaan fal-celinta dadka reer Somaliland ka dhiibteen wararka ay faafiyaan, waana ay isku sameeyaan sixitaan ah inay si dhexdhexaad ah ugu shaqeeyaan dadka ku hadla Afsoomaaliga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured