Siyaasi Cali Mareexan oo Warbixin Cilmiyeysan ka Qoray Tira-koobkii Somalida, Xiliyadii Gobanimada la Qaatay...

0
Sunday June 28, 2020 - 17:23:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Mareexan oo Warbixin Cilmiyeysan ka Qoray Tira-koobkii Somalida, Xiliyadii Gobanimada la Qaatay...

    Siyaasi Cali Mareexan oo Warbixin Cilmiyeysan ka Qoray Tira-koobkii Somalida, Xiliyadii Gobanimada la Qaatay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Mareexan oo Warbixin Cilmiyeysan ka Qoray Tira-koobkii Somalida, Xiliyadii Gobanimada la Qaatay...
"Prof. I M Lewis oo muddo konton sano ah baadhayey arimaha Somalida, wuxuu buugiisa PEOPLE OF THE HORN OF AFRICA ku sheegay tirada qabaa'ilka Somalida ee jamhuuriyadii Somaliya, tusaale ahaan;
qabiilka Hawiye 25%
Isaaq                    22%
Daarood               20%
Qoraalkaa oo jaamacado Maraykan ahina jaantus ka sameeyeen.


Warbixin kale oo lagu soo bandhigay  mahcadka caanka ee The Royal Institute of International Affairs, Chatham House, ee London sanadkii 1956-kii waxaa Somalida geeska Afrika degta ay ku sheedtay;
-Somalida ku hoos jirta Maamulka UN ee -Somalidii tanyaanigu xukumi jiray 1,300,000
-Simalida maxmiyada Ingiriiska         600,000
- Somalida gudaha Itoobiya                 400,000
- Somalida NFD                                       50,000
- Somalida Djibouti                                  27,000
Qiyaasaha noocan oo kale ah waxay leeyihiin halbeeg la raaco, waxaana qaada dad aqoon fiican u leh wakhti badana u huray laakiin sideedaba Soomaalidu qiyaasaha ma taqaan. 

Waxaan tusaale idiinku soo qaadanayaa 1 june  1988- kii oo ahayd maalin Arbaca, ayaa laanta afsoomaliga ee BBC-da lagu soo ururay. Waa Arbacadii ugu horraysay ee dagaalkii SNM ay gudaha ku soo galeen. Aad ayaa loogu dheg-taagayaa. Cabdlilaahi Xaaji ayaa kaga dananiyey barnaamijkii Todobaadka iyo Afrika. Waxaanu ku dhegaysanaynaa Balli  biyo ku jiraan oo u dhexeeya Burco iyo Yiroowe oo kumannaan qof oo xabbadii ka soo cararay ay  joogaan. Weriye ka mid ah weriyayaashii BBC da ee Caalamiga ahaa oo aanan iminka magaciisa xasuusnayn ayaa faalo uu dagaalkii ka diyaariyey oo la turjumay ayaa la akhriyey. Wuxuu yidhi  "Xoogaga SNM ee soo galay gudaha gobolada waqooyi waxaa lagu qiyaasayaa sadex kun oo askari"  Dadkii waawaynaa ee aan idaacadda la dhegaysaneyey oo weliba reer magaal ahaa ayaa wada xanaaqay "Bal wuxuu ku hadlaayo eega?! Sadex kun ayuu ku leeyahay! Konton kunna ka badnaaye Mujaahidiintu, kan Faqashta ayaa soo diratay" Rikoodhkiiba waa la jebin gaadhay.
Markii danbe ee lays dhex galay waxaanu ogaanay in sadexdii kun ee ninkii gaalka ahaa sheegayey weliba ay wax ka dhinaayen. 
Markaa dadka aqoonta u leh qiyaasaha dadka ee weliba baadhista ku sameeya inta badan iyaga ayaa Soomalida runta uga dhow.
Sidaa darteed, marka aynu wax badan isu gayno, qiyaasahaana eegno, qabaa'ilka Dirka ee Somaliland iyo Somalia dega imisa ayay ka noqon karaan dadka ku nool Jamhuuriyadii Somaliya?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured