![]() War degdeg ah: Ciidamada Booliska oo Caawa Xabsiga u Taxaabay Abwaan Shucayb yare oo Dhowaan soo Saaray Gabay Duur-xula...
War degdeg ah: Ciidamada Booliska oo Caawa Xabsiga u Taxaabay Abwaan Shucayb yare oo Dhowaan soo Saaray Gabay Duur-xula...
Hargeysa(Xogreebnews)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Caawa Gurigooda ka kexeeyey Abwaan aad u Da'yar oo lagu magacaabo Shucayb yare.
Abwaankan, oo ahaa majaajileyste ayaa Todobaadkan soo Saaray Maanso aan looga baran, taasoo si duur-xula loogula hadlaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Maansada Shucayb yare ayaa ahayd mid si gaara loogu duraayo Askarta iyo Madaxweynaha iyo weliba wax uu ugu yeedhay Calan-cas.
Lama oga xadhiga abwaanku inuu la xidhiidho Gabayga iyo in arimo kale loo xidhay, balse wixii Xog kasoo Korodha waanu idin la soo socod-siin. Leave a comment |
|