Madaxwaynaha Somaliland oo Xilalkii ka Qaaday Gudoomiyaal global, kuwo Cusubna Magacaabay...

0
Monday June 29, 2020 - 11:07:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland oo Xilalkii ka Qaaday Gudoomiyaal global, kuwo Cusubna Magacaabay...

    Madaxwaynaha Somaliland oo Xilalkii ka Qaaday Gudoomiyaal global, kuwo Cusubna Magacaabay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland oo Xilalkii ka Qaaday Gudoomiyaal global, kuwo Cusubna Magacaabay...
Hargeysa(Xogreebnews)- WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2020
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.
Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim; 
        Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd
Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
        Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal 
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. 
Magacaabid 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay:  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; 
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:  La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf  Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi  Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye  Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed  Guddoomiyaha Gobolka Saraar
ALLAA MAHAD LEH 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured