Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud oo Sheegay in Aan Shucayb yare lagu Xidhin Amar Xukumadeed iyo Abwaanka oo ka Garaabay khaladaadkii ku jiray Maansadiisi...

0
Monday June 29, 2020 - 12:47:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud oo Sheegay in Aan Shucayb yare lagu Xidhin Amar Xukumadeed iyo Abwaanka oo ka Garaabay khaladaadkii ku jiray Maansadiisi...

    Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud oo Sheegay in Aan Shucayb yare lagu Xidhin Amar Xukumadeed iyo Abwaanka oo ka Garaabay khaladaadkii ku jiray Maansadiisi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud oo Sheegay in Aan Shucayb yare lagu Xidhin Amar Xukumadeed iyo Abwaanka oo ka Garaabay khaladaadkii ku jiray Maansadiisi...
Hargeysa(Xogreebnews)- Badhasaab ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Md. Khadar Baaruud, ayaa ka Hadlay Xadhigii Ciidamada Booliska Xalay kula kaceen Abwaanka Da'da yar ee Shucayb yare.
Gudoomiye Khadar waxa uu sheegay in aan Abwaanka yar lagu xidhin amar Xukuumaddeed, hase-yeeshee isfahan waa dhex-maray isagga iyo Ciidamada lagu xidhay. Waxanu intaa ku daray Gudoomiye Khadar Baaruud in Abwaan Shucayb yare uu ka garaabay khaladka ka dhacay, isla markaana ay wada-qadeeyeen isagga iyo Wasiir Cawadka iskaashiga iyo Abwaan Shucayb yare.
Sidaasna waxa uu ku sheegay Gudoomiye khadar Baaruud qoraal kooban oo u ku baahiyey bartiisa Facebook, kaasoo u dhigan sidan. 
"Wasiir Awad Cawad iyo Abwaan Shucayb Cabdiraxmaan (Shucayb Yare) oonu hadda wada qadaynayno  xoriyadiisii wuu helay Waxaanan u mahadnaqayaa Jananka Ciidanka Bilayska.
Waxaan cadaynayaa inaan amar xukuumadeed  lagu xidhin isfahnwaa yar oo isaga iyo ciidanka bilayska oo hawlgal ku jiray xalay ayuu ku yimid xadhigiisu.
Shucayb yare waa hal-abuur 17 jir Xaaslna leh intaanu wada qadaynaynay waa walaalkayo oo naga da'a yar firfircoona waxaanu nasteexo ahaan wax badan is nidhi aadna waanu isku waraysanay  isaguna waxbadan ayuu ka garaabay". Ayuu qoraalkiisa ku yidhi mudane Gudoomiye Khadar Baaruud.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured