Horumarka Dekeda Berbera iyo Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi?. Qalinkii Cabdisamad Axmed Warsame.

0
Tuesday June 30, 2020 - 18:01:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Dekeda Berbera iyo Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi?. Qalinkii Cabdisamad Axmed Warsame.

    Horumarka Dekeda Berbera iyo Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi?. Qalinkii Cabdisamad Axmed Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka Dekeda Berbera iyo Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi?. Qalinkii Cabdisamad Axmed Warsame.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan, ayaa noqday masuul Horumar Casriya oo Balaadhan gaadhsiiyey Dekeda Berbera, waxanu ka dhigay mid la jaan-qaadaysa dekedaha kale ee dhigeeda.
Hanaanka shaqo ee dekedu waa mid Caalamiya, isla markaana sadex sano ee u dambeeyey ku Talaabsatay horumarka iyo waxqabad baaxad leh oo soo jiidanaya macaamiisha isticmaasha iyo weliba Dawladaha jaarka.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu ku dedaalay inay Dekedu hesho wixii Qalab ah ee ay u baahnayd shaqadu, waxanu Dekeda Keenay laba Taag oo Casriya, kuwasoo hada si rasmiya uga hawlgala dekeda, isla markaana soo xidha Maraakiibta waaweyn ee Mother ship-ka loo yaqaano.
Labada Taag, waxay fudaydiyeen in nidaam Caalamiya oo Maraakiibta rarka sida ku reeyeen ay usoo xidhaan Maraakiibta, sidoo kalena waxay labada Taag wax weyn ka tarayaan sumcada iyo Caalaminimada Dekedeed ee Marsada Berbera. 
Taarikhda Somaliland, gaar ahaan Dekeda Malaagada Berbera waxa shaqaalaha Faraca-bada lagu sameeyey isbedel xadaaarad iyo horu-socod ka muuqdo, waxanan dhowaan daawanaynay iyadoo shaqaalaha hawlaha, Maraakiibta loo soo xidhay aqoon korodhsi ku saabsan shaqada Maraakiibta ee soo xidhista iyo furista iyo weliba kuwo ku takhakhusay bayloodnimada Taaga casriga ah ee dekeda berberi dhowaan lasoo degtay. Abaal-marinta iyo aqoon-korodhsigu, waa laf-dhabarka shaqaalenimo, iyadoo Hayadda shaqaaleheeda aqoon-kordhinta lagu sameeyey ay isbedel xadaaradeed oo mustaqbal la imanayaan, isla markaana adeegyada dekeda shaqaalaha aqoonta lehii waxay ka dhigayaan mid la tartanta dhiggeeda dunida.
Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu Dekeda usoo Iibiyey Doon  Casriya oo ay raaci-doonan kooxaha loo yaqaano Bayloodada ee Biyaha Dhow kaga Hor-taga Maraakiibta xamuulka sida ee lagu soo xidhayo Dekeda, talabadaas oo ah mid Casriya, isla markaana kor-u-qaadaysa qiimaha Dekeda Berbera iyo nidaamka dawladnimo ee Somaliland.
Sadexdaas sanadood ee u dambeeyey waxa muuqata Dekeda  Berbera oo markhaati ma doonaa in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dhexda u xidhatay dhismaha iyo dayac-tirka dekedaha Somaliland itaal ay doonaanbaa ha lahadeene, waxaana kowka ah, Dekeda weyn ee Berbera oo noqotay mid casriya, isla markaana u guurtay inay la tartanto dekedaha dhigeeda ah ee geeska, Berbera sanaadkan daba-yaqaadiisa la filaya inay dhamaato dhismaha deked cusub oo 400-mt ah, sidoo kale waxa ku sii xigi doonaa dhismaha deked kaloo afar boqol ah, runtii himilooyinkaa hirgelitaankooda waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera. La soco qaybaha dambe.
Waa Bilahii Tawfiiq.
Cabdisamad Axmed Warsame
Berbera/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured