Ergooyin Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u Dirtay Gudoonka Barlamaanka iyo Guddida Joogtada ah oo Guuldaraystay....

0
Wednesday July 01, 2020 - 15:47:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergooyin Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u Dirtay Gudoonka Barlamaanka iyo Guddida Joogtada ah oo Guuldaraystay....

    Ergooyin Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u Dirtay Gudoonka Barlamaanka iyo Guddida Joogtada ah oo Guuldaraystay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergooyin Gudoomiye Faysal Cali Waraabe u Dirtay Gudoonka Barlamaanka iyo Guddida Joogtada ah oo Guuldaraystay....
Hargeysa(Xogreebnews)- Ilo-wareedyo u dhuun-daloola khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay Guddida joogtada ah ee golaha Wakiilada iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay fashilmeen isku dayo ergooyin ah oo la doonayey in lagu baajiyo dacwada gudidaasi ka gudbisay Gudoomiye Faysal.
Wararka ayaa tibaaxay in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Odayaal iyo Xildhibaan ergo ugu diray gudoonka Baarlamaanka Somaliland iyo xubno kamid ah Guddida joogtada ah ee golaha Wakiilada, waxanay xogguhuu tibaaxeen inay fashilmeen dhamaan isku dayadaasi, oo socday Shalay gelinkii dambe ilaa Xalay,  isla markaana Guddidu dacwadoodii ay u gudbiyeen Xeer Ilaalinta Qaran Maanta.
Khilaafka u dhexeeya golaha Wakiilada iyo Gudoomiye Fayaal ayaa mudo soo jiitamaayey, isla markaana uu gudoomiyihuu ku eedeyey golaha inay laba jeer mudo dhaafeen, sidoo kalena waxa iyaguna ay geestooda ku Eedeeyan Gudoomiyaha inuu sadex doorasho dhacay, isla markaana uu xaaran ku haysto gudoonka Xisbiga Ucid.
Haseyeeshee waxa ay hada xaaladu Maraysa meel Xasaasiya, iyadoo Bulshadu isha ku hayso khilaafka iyo dacwada bal cida guulaysan doontaa oo laga dhursagayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured