"Taiwan Tubteedda aynu qaadno ''. Qalinkii Axmed Nuur Guruuje

0
Wednesday July 01, 2020 - 17:38:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Taiwan Tubteedda aynu qaadno ''. Qalinkii Axmed Nuur Guruuje

    "Taiwan Tubteedda aynu qaadno ''. Qalinkii Axmed Nuur Guruuje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taiwan Tubteedda aynu qaadno ''. Qalinkii Axmed Nuur Guruuje
Nabadgelyaanu hirgeliney , Dimuqraadiyad baanu samaynay , dawlad baanu samaynay , Mogdisho anagaa nabad dhaana , sidaa darteed hanala aqoonsaddo waa sababtu aynu sodon guuro ku habsaaney maxaa yeeley aqoonsigu markiisa horreba mucaawimo maaha , wixii inaga inoo gaara ee aynu qabsanayna cid kale ma quseeyaan , keliya dawladuhu dan bay eegaan iyo waxaynu kaa faaidaysan karro , sidaa markay tahay waa in aynu Istaraajiyadaa qaldan ee sodonka sanno inaga lumisay iska soo xidhnaa tubta Taiwana aynu qaadnaa inagoo yeelayna ,
- Taiwan waxay is haystaan wadanka Aduunka oo dhan ugu dadka badan , wadanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan ahna wadanka sadaxaad ee ugu Milateriga wayn , kana midda wadamada ku hubaysan Nukliyeerka lehna awoodda diidmada qayaxan ee Veto power , hadana hawlaheedda ayay iska wadataa .
- Taiwan waxay samaysatay dawlad wanaagsan oo aan lahayn , musuq-maasuq , eex , qabyaalad iyo laaluush , inaguna waynu yeeli karaa sidaa hadaynu doonayno horumar .


-  Taiwan wadana ma barido , waxaanay isku halaysaysaa tacliin heer sarre ah , tiknoolajiyad , dhaqaale iyo cudud milateri , intaa iyo in ka badan inagana waynu samaysan karaa iyana way inaga caawin kartaa hadii aynu kartideeda yaalo .

- Taiwan waqtiba kuma lumiso aqoonsi , maxaa yeeley Shiinaha ayaa albaab walba u fadhiya oo xitaa veto isku hortaagaya hadii aduunka oo dhami aqoonsaddo , inaguna aqoonsigaba waynu iska dayn karaa 15 sanadood oo keliya shaqana waynu u jeesan karaa waana aynu guulaysan karaa sidda Taiwan waa hadii aynu dad nahaye .
Ugu dambayn , Taiwan waxa aynu kagga nasiib badanahay waxaynu is  haysanaa Soomaaliya oo dadkeeda aynu kala ahayn markii aynu wada jirey 59% iyo 41% , ahna wadanka aduunka ugu hooseeya dhaqaale ahaan , musuq-maasuq ahaan , nabadgelyo ahaan iyo maamul ahaan , waxna aan ina dheerayn , sidaa darteed waa in aynu tubta Taiwan qaadnaa oo shaqo adag isku halaynaa wada hadalada Jabuutina aynu faareyga ku daraa .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured