Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Ambassador Hassan Yassin oo Baaq Culus u Diray Dawladaha Xuduudka la leh Itoobiya...
Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Ambassador Hassan Yassin oo Baaq Culus u Diray Dawladaha Xuduudka la leh Itoobiya...
Canada(Xogreebnews)-Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb. Hassan Yassin Hirad, ayaa Dawladaha la jaarka ah Itoobiya, sida Somaliland, Somaliya iyo Jabuuti iyo weliba UAE ugu baaqay inay ka qayb-qaatay xasilinta iyo daminta Xiisada ka taagan dalka Itoobiya.
Ambassador Hassan Yassin Hirad, uu farta ku fiiqay in amni darada Itoobiya saamayn xoogan ku yeelanayso dawladaha la jaarka ah, sidaas daraadeed na loo baahan yahay in la garab istaago dawlada Itoobiya, oo kacdoono dadweyne todobaadkan hadheeyeen.
Ambassador Hassan Yassin Hirad waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter,kaasoo u dhigan sidan.
"Waxaan ugu baaqayaa madaxda wadanka aanu jaarka nahay inay xaaladda wadanka dejiyaan iskuna dayaan inay xaaladaha nabad kusoo dabbaalaan sida ugu macquulsan uguna khasaaraha yar. Waan ka warqabnaa xaaladda amnidarro ee uu sababay dilkii loogaystay fanaankii Caanka ahaa.
Ugu dambayn waxaan usoo jeedinayaa Dawlasha saaxiibada dhaw la ah itoobiya sida #UAE , #KSA , #Djibouti iyo #Somaliland inay xilgaara Iska saaran xaaladda kusoo korodhay Mandaqadda gargaar siyaasadeedna la garab istaagaan xukuumadda itoobiya kalana shaqeeyaan sidii shacabka loo dejin lahaa darafyada shaqaaqadu dhexmartayna nabad loodhexdhigi lahaa".
Leave a comment |
|