Xil-gudasho La'aanta Xoghayaha dawlada hoose Berbera Iyo ku Tamashlaynta Hantida Umada...

0
Friday July 03, 2020 - 12:34:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil-gudasho La'aanta Xoghayaha dawlada hoose Berbera Iyo ku Tamashlaynta Hantida Umada...

    "Nin baa laga Hayey, Allihii Hebel Dilow Hebelbaa baa Hadhay, Madaxweyne Bedelkii badhasaabada Waad asiibtee, Waxa Hadhay Gafanayaal Xoolaha Umada Dabaqyo ka Dhistay".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nin baa laga Hayey, Allihii Hebel Dilow Hebelbaa baa Hadhay, Madaxweyne Bedelkii badhasaabada Waad asiibtee, Waxa Hadhay Gafanayaal Xoolaha Umada Dabaqyo ka Dhistay".
Berbera(Xogreebnews)- Xoghayaha fulinta Dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, Hanaankiisa shaqo waxaa uu ahaa ama shaqada Xoghaye dawlad hoose tahay fulinta, taas macneheedu waxaa weeyee dhamaan dhaqdhaqaaqa shaqo ee ka fulaya degmada ayuu  fulin u yahay. Waxaa nasiib daro wayn ah xoghayaha qudha ah ee aan xafiis uu leeyahay soo fadhiisan waa Cabdikariin Aadan Cadde, isla markaana Bulshada u adeegin, maalin oo dhan lagu raadiyo gaadhi, waa Xoghayaha dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde.
Waa shaqsigii lahaa kanraroolida shaqaalaha iyo shaqadaba ee aanay ahayn in marnaba laga waayo xafiiska shaqadu ka socoto, sida laga wada warqabo inta badan wuxuu ku jiraa gaadhi, cidkasta oo shaqo uga baahanina maba hesho, marka qudha ee la arko wuxuu fadhiyaa xafiiska badhasaabkii la bedelay ee gobolka, oo ka raali ahaa shaqo xumida uu degmada ku hayo.
Madaxweyne waxaa dhibaato ah haddii aanu shaqsigu ka baqaynin, madaxweyne, wasiir, badhasaab intaba ee uu siduu doono yeelo, telephan lagu waayo, xafiisna laga waayo, waxa hubaal ah inuu dhaafay owner,  yeeshay kursigii umada loogu adeegaayey, waxa qudha oo xafiiska lagu arkaa Xoghaye Cabdikariin  Aadan Cadde marka shay dani ugu jirto uu saxeexaayo , sida checks, iyo dhul labadaa oo keliya ayuu xafiiska soo fadhiista.
Waxaan ku leeyahay madaxweyne nin baa laga hayey, alihii walba hebel dilow daahir baa hadhaye, waxaan ku leeyahay bedelkii badhasaabada waad asiibtee, laakiin ragga kabashal ciidka noqday ee xoghayaha berbera ugu horeeyo birta dhaafi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured