Khilaaf Culus oo ka Dhex-qarxay Masuuliyiinta Gobolka Seleel, Xildhibaano Xabsiga loo Taxaabay iyo masuuliyiin Is-casilay...
Khilaaf Culus oo ka Dhex-qarxay Masuuliyiinta Gobolka Seleel, Xildhibaano Xabsiga loo Taxaabay iyo masuuliyiin Is-casilay...
Saylac(Xogreebnews):-Wararka ka iminaya dhinaca gobolka Salal gaar ahaan magaalooyinka Saylac iyo Lawyacado ayaa waxaay sheegaan in halkaasi uu maalmahii u dambeeyay ka jiray khilaaf aan wali sal dagin isla markaana sababay in gacan ka hadal , iscasilaad iyo xildhibaano xabsiga la dhigay. Ilowareedyo xog ogal ah ayaa waxa ay shabakada u xaqiijiyeen in xabsiga la dhigay xildhibaan Cabdikariin Awaadan Kibaar oo ku magac dheer dhawal oo ka mid ah xildhibaanada Saylac, kadib markii uu ka biyo siiday qorshe ay wateen Maayar Sacad iyo Badhasaabka Mawliidka Salal qorshahaas oo wax kabadal ku samaynayay hanaankii hore loogu maamuli jiray ceelashaas biyaha ee Saylac iyo Lawyacado, ismaandhaafkaasina uu ku dhamaaday gacan ka hadal sababay in xildhibaan Dhamal uu xabsika u hoydo. Khilaafkan oo sida wararku sheegayaan ay jiraan xildhibaano kale oo ka soo horjeeda qorshahan masuuliyiintu ay wax kabadalka ugu samaysay maamulkii biyaha ee degaankaas ayaa waxa kale oo ay warar xog-tooda lagu kalsoonaan karo sheegayaan in uu sababay in uu maamulkii biyaha ee Lawyacado iska casilo masuulkii wasaarada biyaha u qaabilsanaa Lawyacado oo lagu magacaabo Farxaan Yuusuf. Shabakada ayaa waxa ay isku dayday inay la xidhiidho, xildhibaanka xidhan, iyo masuulka is casilay, balse way u suuroobi wayday, waxana xusid mudan in xaalkan cakiran ee biyaha Saylac ka taagan uu ku soo beegmayo waqti ay dhawaan degaanadaas gobolka Salal haraad dad ugu dhinteen, biyo yaraanta iyo kulaylka cimilada Awgeed.
Lama ogga waxa ay xiisadani ku dambaynayso, waxase jira dadaal ay wado Wadaarada Biyaha ee Somaliland, waxana ay wararku sheegayaan in Saylac uu maanta gaadhay masuul ka socda Wasaarada Biyaha oo loo soo igmaday in xiisadan jirta uu xal u helo.
Si kastaba ahaatee ma aha markii u horaysay ee masuuliyiinta isku lamaan ee Saylac iyo Salal ka arimiya iyo masuuliyiin kale oo ka hawl gala laama dawlada ee gobolkaasi ay isku dhacaan, iyada oo inta badan ay xeel-dheerayaasha degaankaasi ku micnaynayaan waxa sababa khilaafyadan soo laalaabanaya dano-shaqsiyeed oo la isku diiday, waxana xusid mudan in isku-duwihii hore ee caafimaadka ee gobolkaasi Salal uu ahaa masuulkii u dambeeyay ee xilkiisa waaya markii ay is qabteen lamaanahan degmadii Saylac iyo gobolka dib u dhacsan ee Salal ee ay dhashay ka taliya
Leave a comment |
|
Khilaaf Culus oo ka Dhex-qarxay Masuuliyiinta Gobolka Seleel, Xildhibaano Xabsiga loo Taxaabay iyo masuuliyiin Is-casilay...
Khilaaf Culus oo ka Dhex-qarxay Masuuliyiinta Gobolka Seleel, Xildhibaano Xabsiga loo Taxaabay iyo masuuliyiin Is-casilay...