Maxaa Sababa Kacdoonada Dadweynaha?. (karis xum iyana wax ku la). Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo).
Maxaa Sababa Kacdoonada Dadweynaha?. (karis xum iyana wax ku la). Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo).
Sida aynu la socono fulinta waxaa loo igmaday fulinta adeegyada bulshada, waxaanay kala yihiin ,ama ugu mudan madaxweynaha,wasiirada,iyo maayirada,waana shaqaale bulshadu u dooratay in amaanada ay u dhiibteen u gutaan si waafaqsan sharciga iyo xeerarka Dastuurku jideeyay.
Hadaba marka ay dhacdo inay ka leexdaan ama ay dadku arkaan ama dareemaan in ay dhamaantood xilalkii iyo awoodahoodii u isticmaalayaan inay ku fushadaan dana-hooda gaarka, isla markaana Haya,adihii Darstuuriga ahaa ee Golayaasha xeer-dajinta iyo Asxaabta Qaranka oo ahaa cidii u dhexeysay iyaga iyo fulinta ahayadna in dhegaystaan kana jawaabaan dareenka bulsha ee ku wajahan xaaladaha markaa taagan,ay gabaan kaalintoodii Dastuuriga ahay ee la xisaabtanka xukuumada iyo wax ka qabashada arimaha markaa taagan,ayay timaadaa ama dhacaan isku dhaca xukuumada iyo bulshadu madaama oo ay cidii u dhaxaysay meeshii ka baxday ama gabtay xilkoodii.
Isku dhacaa tooska ahina waxa uu dhaliyaa kacdoonka bulsha oo xoogan, mudaharaadyo rabshada wata iyo xukuumada oo isdifaac samaysa talaabooyinkeeduna ay noqdaan xidhxidhis, cabudhin,iyo mararka qaarkood ay nafo ku baxaan ugu danbaytana waxaa guulaysta bulshda arinkaasina waxa uu khalkhal iyo hali gelinayaa Qanimada iyo Dawladnimada.
Waxaanay noqontaa (karis xum iyana wax ku la)
Hadaba waxa loo baahanyahay si aynu uga badbaadno arinkaa halista ah ee aan cidna dani ugu jirin in Haya,adahii Dastuuriga ahaa(Golayaasha Xeerdajinta iyo Asxaabta Qaranku) ay gutaan waajibaadkoodii Qaranka gadhwadeen ka noqdaan dareenka kacsan ee bulshada soomaalilaand.
Ugu danbayantiiba waxaan lee yahay bulshada soomaalilaand u midooba dantiina guud sikana dhiga danihiina gaarka si aad ugu guulaysataan cadaw gudood iyo mid dabadood una gaadhaan guulahiina kuwa dhaw iyo kuwa dheerba
ILLAAHOW SOOMAALILAND BADBAADI OO BARAKEE.
AHMED ALI FARAH
SIYAASI MADAXBANAAN Leave a comment |
|
Maxaa Sababa Kacdoonada Dadweynaha?. (karis xum iyana wax ku la). Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo).
Maxaa Sababa Kacdoonada Dadweynaha?. (karis xum iyana wax ku la). Siyaasi Axmed Cali Faarax (Axmed Timo).