Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Soo Dhoweeyey Badhasaabka cusub, kii Horena Sabootiyey...

0
Saturday July 04, 2020 - 19:43:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Soo Dhoweeyey Badhasaabka cusub, kii Horena Sabootiyey...

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Soo Dhoweeyey Badhasaabka cusub, kii Horena Sabootiyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Soo Dhoweeyey Badhasaabka cusub, kii Horena Sabootiyey...
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo Maanta ka Qayb-galay munaasibad Balaadhan oo ay xilka kula kala Wareegayeen Badhasaabka cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi usoo Magacaabay Gobolka Saaxil iyo Badhasaabkii hore oo loo Bedelay Gobolka Sanaag.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu si kal iyo laaba usoo dhoweeyey Gudoomiyaha cusub ee Madaxweynuhuu usoo Magacaabay Gobolka,isagoo masuulka loo Bedelay Gobolka Sanaag na ku sabootiyey inuu ahaa shaqsi wada-shaqayn wanaagsani dhex martay mudadii uu Badhasaabka Gobolka Saaxil ahaa.
Maareeyuhuu waxa uu Badhasaabka cusub ugu duceeyey inuu Ilahay ku Asturo xilka Balaadhan ee loo doortay, Maareeyaha oo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi.
"Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil, hadana ah Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sanaag Eng. Axmed, runtii aadbaanu u wada-shaqaynay, waxanu ahaa masuul hawlkar ah, isla markaana ah shaqsi masuuliyada si daacada u gutaa. Waxanan ugu ducaynayaa Inuu Ilahay ku asturo masuuliyada kale ee Gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha Cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi usoo Magacaabay Gobolka Saaxil, waan soo dhoweynayaa si kal iyo laaba, wanaan la shaqayn doona sidii badhasaabkii hore, waxanaan Ilahay uga baryeyaa inuu u fudaydiyo masuuliyada culus ee loo igmaday". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured