Wasiirka Maaliyada iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Shir-gudoomiyey Shir Muhiima oo ka Dhacay Dekeda Berbera...

0
Monday July 06, 2020 - 15:47:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Shir-gudoomiyey Shir Muhiima oo ka Dhacay Dekeda Berbera...

    Wasiirka Maaliyada iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Shir-gudoomiyey Shir Muhiima oo ka Dhacay Dekeda Berbera...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyada iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Shir-gudoomiyey Shir Muhiima oo ka Dhacay Dekeda Berbera...
Hargeysa(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas.
Masuuliyiintani waxay Shir-albaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen Xafiiska Maareeyaha Dekedaha, waxana ku wehelinayey Maamulka Shirkada Dp World ee Berbera iyo Maamulka Kastamka Berbera.
Ujeedada Shirka, ayaa daaranayd sidii loo fudaydin lahaa, hawl-socodsiinta Shaqada Dekeda iyo in la bixitaanka Badeecadaha la sii fudaydiyo. Sidoo kale wada-shaqaynta Laamaha dawlada ee arimahani khusayso.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo u Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi ku baahiyey bartiisa Facebook, waxanu u dhigan yahay sidan. 
"Si loo dardar-geliyo Shaqada Muhiimka u ah Qarranka ee Ka Socota Dekedda Berbera,  Waxaannu Shir ku wada qaadanay Xafiiskayga, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Wasiir Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Madaxa DP World Berbera iyo Maamulaha Kastamka Dekedda Berbera.
Shirkan oo aannu kaga Wada-hadalnay Arrimo Muhiim u ah Shaqada, oo ay ka mid ahayd Socod-siinta iyo Fududaynta Adeegyadda Dekedu u qabato Macaamiisha isticmaasha Dekedda Berbera".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured