Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyay Koontiinar ku Gubtay Barxad Cidla' ah oo kamida Dekeda Berbera...

0
Monday July 06, 2020 - 20:10:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyay Koontiinar ku Gubtay Barxad Cidla' ah oo kamida Dekeda Berbera...

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyay Koontiinar ku Gubtay Barxad Cidla' ah oo kamida Dekeda Berbera...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyay Koontiinar ku Gubtay Barxad Cidla' ah oo kamida Dekeda Berbera...
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somalilan Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ka hadlay Koontiinar dhowaan Dab-qabsaday oo la bakhtiiyey.
Maareeyuhuu waxa uu sheegay in aanu jirin wax Khasaare ee u gaystay Dabkaasi, isagoo xusay inay amaro kasoo saari-doonaan Koontiinarada ay Kiimiko ku jirto in aanu ku hakan doonin Dekeda.
Sidaas waxa uu ku sheegay mar uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, kula hadlaayey qaar kamid ah Warbaahinta. Isagoo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi Maareeye Siciid 
"Waxa gubtay Wuxuu ahaa, hal Koontiinar oo uu leeyahay Ganacsade Somaliland ahi, waxanu Koontiinar kani ku socday, dalka Yemen. Koontiinarkaa waxa ku jiray Kiimiko, Galaas 8, markii yaalay xooga, ayuu sameeyey Qiiq, waxana dilaacday Ay-siidhii. Kadibna waxay bixisay qiiq, Alxamdululah waanu la tacaalnay, oo ku guntanay,  wanaanu bakhtiinay.
Agabkii Koontiinar ku jiray waa uu ka baa'ba'ay, haseyeeshee inuu Khasaare kale sii gaysto, waanu ka hor-tagnay, kuna guulaysanayn.
Koontiinar kan Gubtay, waxa ku jiray waa Kiimiko, markaa markii uu qiiqa Keenay waanu ka qaadnay meeshii, waxanaanu ku karintimaynay meel Cidla ah. Kaddib dabkii Ciid ayaanu kula Dagaalanay, maadaama oo Biyuhuu Dabka ay sii fidinayaan, sidaas daraadeed cid gaar ah, ayaanu u samaynay inay Bakhtiiso, saaka markii u dib u bilaabay qiiqana waxanu ku fulinay hawlgal weyn.
Koontiinar ka waanu furnay wixii ku jirayna waanu kasoo saarnay, hadana waanu bakhtiinay". 
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo sii wata Hadalkiisa, ayaa sheegay inay amaro culus kasoo saara-yaan cida Dekeda Berbera ka dhoofinaysa Koontiinaro ay ku jiraan Kiimiko. Waxanu yidhi "waa markii labaad ee ay soo noqoto gudashada Koontiinar Kiimiko ku jirto, cida Badeecada leh, hore waxaanu u siinnay Digniin, haseyeeshee hada waxanu kasoo saari-doonaa go'aano, isla markaana aanu Dekeda ku hakan doonin Koontiinar ay ku jirto Kiimiko ". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured