La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada oo ka Warbixiyay Diyaarado Maanta ka Degay Madaarka Magaalada Burco

0
Thursday July 09, 2020 - 14:15:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada oo ka Warbixiyay Diyaarado Maanta ka Degay Madaarka Magaalada Burco

    La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada oo ka Warbixiyay Diyaarado Maanta ka Degay Madaarka Magaalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bulshada oo ka Warbixiyay Diyaarado Maanta ka Degay Madaarka Magaalada Burco
Burco(Xogreebnews-Waxa Maanta gegida Diyaaradaha ee Magaalada Burco, kasoo degey laba Diyaaradood oo ah, kuwa loo yaqaano, (Helicopters).
Labadan Diyaaradood waxa ay soo cago-dhigteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Burco, sida uu sheegay La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arimaha Bulshada Md Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.
La-taliye Madaxweyne Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in Diyaaradahani yihiin, kuwo Ayaxa Buufiya, isla markaana hore waxay uga soo shaqeeyeen deeganada Gobolka Saraar.
Sidaasna waxa uu La-taliye Madaxweyne Cabdiwaaxid ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan.
"Waxaa maanta madaarka magaalada Burco ka soo degey  Diyaarado qumaatiga u kaca (helicopters) ay Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ugu tala gashay in lagula dagaalamo Ayaxa beryahan dambe dalka faro-baas ku hayey.
Hore waxaa gobolka Saraar ugu sugnaa gaadiid buufinaaya Ayaxan aguugaya ee dalka ku habsaday.
Waa hawl inaga baaxad weyd iyadoo Ayaxu uu dalka oo dhan ku degey"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured