Madaxii Mashruuca Wadada Berbera Corridor oo Is-casilay iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilka u Magacaabay Gudoomiyihii ee Koomishanka Ciise Xamari... Mashruuca wadada Berbera Corridor oo Gaabis Hadheyey..

Hargeysa(Xogreebnews)- Warar lagu kalsoon yahay, oo ay heshay Shabakada Xogreebnews, waxay sheegayaan inuu Is-casilay madaxii mashruuca Wadada Berbera Corridor Md. Maxamuud Cabdi Maxamed.
Is-casilaada Masuulka, ayaa sida illuhu tibaaxeen lala xidhiidhay faro-gelin shaqo iyo awood-maroorsi uu ku sameeyey Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka Md. Cabdilahi Abokor Cismaan.
Waxana in mudo ah, khilaafku soo jiitamaayey, ayaa uu go'aansaday inuu Is-casilo madaxii mashruuca Wadada Berbera Corridor Md. Maxamuud Cabdi Maxamed u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha, ayaa la sheegay inuu ka aqblay iscasilaadii madaxii mashruuca Wadada Berbera Corridoe, waxanay Wararka ay heshay Shabakadu sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u xilka Mashruuca Wadada Berbera Corridor u Magacaabay Gudoomiyihii ee Koomishanka Qaranka Eng. Ciise Xamari.
Si kastaba ha haatee mashruuca Wadada Berbera Corridor, ayaa Gaabis ka muuqda, iyadoo sanaad gudihii la magacaabay masuulkii Sadexaad ee mashruuca soo mara, waxana wararku sheegayaan in labada Gudoomiye ee mashruuca iska Casilay ay isqabsadeen Wasiirka Jidadka Cabdilahi Abokor, waxana intaa ay ku Darreen wararku in Wasiirku noqday Xirsiga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo qofkii ay isqabtaanbaa daaqada kala baxo.
Xafiiska warqabad ee Shabakada Xogreebnews.com Leave a comment |
|