Wadahadaladii Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya oo Todobaadkan Dib uga Furmaya Jabuuti...

0
Friday July 10, 2020 - 12:39:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadaladii Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya oo Todobaadkan Dib uga Furmaya Jabuuti...

    Wadahadaladii Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya oo Todobaadkan Dib uga Furmaya Jabuuti...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadahadaladii Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya oo Todobaadkan Dib uga Furmaya Jabuuti...
Hargeysa(Xogreebnews)- ilo Diblumaasiyadeed oo ay Heshay Shabakada Xogreebnews,ayaa cadeeyey xiliga rasmiga ah ee u dib u furmaayo Wadahadaladii Guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya oo todobaadkan Jamhuuriyadda Jabuuti ka bilaabmaya.
Wararka ay heshay Shabakada Xogreebnews, ayaa Tilmaamay in 12-ka Bisha July, oo ah Axada todobaadkan uu furmi doono wajiga koowaad ee Shirka guddiyada Farsamo ee sii Wadaya Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya. Sidoo kale, waxay wararku intaa ku dareen in Xukuumada Jamhuuriyadda Jabuuti dedaalo xoogan ugu jirto qabsoomida Shirka gudiyada Farsamo, isla markaana ay xidhiidhi gooni-gooniya lasoo samaysay labada dawlada, kadib baaqashadii Shirka ee todobaadkii hore.
Geesta kale, Wararka ay heshay Shabakada Xogreebnews, waxay intaa ku Dareen in Xukuumada Somaliland iyo ta Muqdisho labaduba diyaariyeen guddiyada Wadahadalada u sii wadi-doona, isla markaana shirar Madaxtooyooyinka labada wadan kula soo kala Qaateen Madaxda labada Dal, guddiyada u metelaya Wadahadalada.
Guddiyada ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan, arrimaha ay kamid yihiin, Maamulka hawada, iyo sidoo kale, arimaha nabadgelyada. Wallow ay jiraan ajan-dayaal qarsoon oo ay labada dhinac kala wataan.
La soco Xogreebnews wixii kasoo Kordha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured